Higgaad .COM
×
HOOY Naxwe Ereyga maanta Afguri 7 shibbane Sheeko dhigaal Xiriir ☰ Tusmo

Ereyga Maanta: 6.12. 2019

munbeer (-ka)

Agab ka samaysan xadhko leh midabbo, lagu gurto birqalaxda sida mindiyaha, gudmaha iwm.

Tusaale: Mukhturka munbeerka ku rid!
Ereyga Maanta: 5.12. 2019

gudinquraar (-ta)

Gudin yar oo wax lagu qoro sida "haamaha, kooraha, iwm".

Tusaale

faagto waa gudinquraar jubbina waa la mid.
Ereyga Maanta: 4.12. 2019

quraar (-ta)

Sanco ama farsamo agab geed lagaga qoro, agabka kiisa wax lagu qoro iyo kiisa la qoro sida weelasha iwm.

Tusaale

Sancada quraarta yari buu ku bilaabay.



Bilowga bogga ku laabo