Waxa la yidhi beri bay abaar daran oo duunyo ku hoobatay ka dhacday degaanadii xoolaha lagu xerin jirey. Waa xili xun oo xuluushii xuska ka idlaatay, wadaani arlada xaab qaadaynin, habaaska diisha iyo wadooyinka laga arooro ku liqayo, ayaa waxa la yidhi oday iyo wiilashiisii goob cidla' ah kaga dhaqaaqeen sac ay lahaayeen oo itaal yari la hinqan kari waayey kolkay u waayeen awood ay ku qaadaan.
Sida lagu "yaqaano" lo'du kolkay ruqe noqoto ma kici karto "hadaan" dabada la qaban ama aan intii "hogaan" ama xarig hareeraha lagaga duubo la qaadin.
Wax yar markay ka sii socdeen welina ayna ka libdhin ayuu odaygii dib u jaleecay sicii. Wuxuu arkay dad safar ah oo ku urusan sicii oo raba inay gawracaan si ay u qashaan.
Odaygii kolkuu arkay safarkii oo sicii gawracaya, wiilashiisii ayuu ku yari war saceenii oo dhalayaan arkayaaye gabada oo suga intuu dhalayo. Kolkuu safarkii birta mariyeen sicii ayuu odaygii ku yiri baa la yiri wiilashiisii "saceenii wuu dhalaye soo baxa!".
Way soo ordeen iyagoo leh sacayagii hebel baad gawracdeen…sacanagii baad qasheen. Halkiibaa goroda la is la galay oo ay xaaladu ir iyo ir gaadhay, ugu dambayntii safarkii ayaa laga garhelay oo laga magdhebay sicii.
Layli
| Isku day in aad garato macnaha ereyadan soo socda. | |||
|---|---|---|---|
| 1. Xerrin | 2. Xuluul | 3. Xus | |
| 4. Wadaan | 5. Xaab | 6. Ruqe | |
| 7. Hinqo | 8. Libidh | 9. Gorod | |
| 10. Garhel | 11. Magdhow | ||
| Isku day in aad saxdo dhigaalka ereyadan soo socda. | |||
|---|---|---|---|
| 1. Xili ___ | 2. Degaanadii ___ | ||
| 3. Xerin ___ | 4. Yaqaano ___ | ||
| 5. Hogaan ___ | 6. Wadooyinka ___ | ||
| 7. Hadaan___ | 8. Jaleecay___ | ||
| 9. Xaaladu ___ | 10. Saceenii ___ | ||
| 11. Gabada ___ | 12. Sacanagii ___ | ||
| 13. Goroda ___ | 14. Gardarada ___ | ||
| Isku day in aad garato dulucda (ujeeddada) sheekada. |
|---|
| (-----------------------------------------------) |
Waxa la yidhi beri bay abaar daran oo duunyo ku hoobatay ka dhacday degaannadii xoolaha lagu xerrin jirey. Waa xilli xun oo xuluushii xuska ka idlaatay, wadaani arlada xaab qaadaynin, habaaska diisha iyo waddooyinka laga arooro ku liqayo, ayaa waxa la yidhi oday iyo wiilashiisii goob cidla' ah kaga dhaqaaqeen sac ay lahaayeen oo itaal yari la hinqan kari waayey kolkay u waayeen awood ay ku qaadaan.
Sida lagu "yaqaanno" lo'du kolkay ruqe noqoto ma kici karto "haddaan" dabada la qaban ama aan intii "hoggaan" ama xarig hareeraha lagaga duubo la qaadin.
Wax yar markay ka sii socdeen welina ayna ka libdhin ayuu odaygii dib u jalleecay sicii. Wuxuu arkay dad safar ah oo ku urusan sicii oo raba inay gawracaan si ay u qashaan.
Odaygii kolkuu arkay safarkii oo sicii gawracaya, wiilashiisii ayuu ku yari war saceennii oo dhalayaan arkayaaye gabbada oo suga intuu dhalayo. Kolkuu safarkii birta mariyeen sicii ayuu odaygii ku yiri baa la yiri wiilashiisii "saceennii wuu dhalaye soo baxa!".
Way soo ordeen iyagoo leh sacayagii hebel baad gawracdeen…sacannagii baad qasheen. Halkiibaa gorodda la is la galay oo ay xaaladdu ir iyo ir gaadhay, ugu dambayntii safarkii ayaa laga garhelay oo laga magdhebay sicii.
LayliEreymacnayn
| Dhigaal sixid | |
|---|---|
| 1. Xili xilli | 2. Degaanadii degaannadii |
| 3. Xerin xerrin | 4. Yaqaano yaqaanno |
| 5. Hogaan hoggaan | 6. Wadooyinka waddooyinka |
| 7. Hadaan haddaan | 8. Jaleecay jalleecay |
| 9. Xaaladu xaaladdu | 10. Saceenii saceennii |
| 11. Gabada gabbada | 12. Sacanagii sacannagii |
| 13. Goroda gorodda | 14. Gardarada gardarrada |
Duluc
Ha ku dhaqaaqin hawlaan laguu dirin! Intaanad falin ka fiirso.
Sheekadani maaha midaan curiyey ama aan soo afceliyey ee waa sheeko Soomaaliyeed
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |