Tan iyo qarnigii 13aad aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa isku dayey inay dejiyaan dhigaal uu gaar u yeesho af Soomaaligu. Aqoonyahannadaas waxa ugu horreeyey Sheekh Yuusuf Al-kownayn oo ahaa qoraagii dejiyey higgaadda "alif la kordhabay, la hoosdhebay iyo la goday".
Haddaba, 1972 go'aankii ay gaadheen guddidii loo xilsaaray inay ka soo baaraandegaan hannaanka iyo nooca uu noqonayo dhigaalka far Soomaalidu, waxa la hirgeliyey fartan aan maanta adeegsanayno inay noqoto ta keliya uu yeelanayo afka Soomaaligu.
18 nooc (farood) oo ay aqoonyahannu kala duwan soo hindiseen in mid uun lagu qoro af Soomaaliga, guddidu waxay ka dhex doorteen farahaas, fartii uu curiyey mudane Shire Jaamac Axmed.
Guddidu waxay isku raaceen in far Soomaalida lagu qoro xuruufta laatiiniga ah. Waxay go'aamiyeen inay xarfaha af Soomaaligu ka koobnaadaan 21 shibbane (b, t, j, x, kh, d, r, s, sh, dh, c, g, f, q, k, l, m, n, w, h, y), shan (5) shaqal iyo hamsa ama firgin ('). Shanta shaqal ee gaagaaban (a, e, i, o, u), waxay noqon karaan kuwo labanlaabma (dhaadheer) (aa, ee, ii, oo, uu).
Guddidu wuxuu go'aamiyeen oo kale in toddobada (7) shibbane ee kala ah (b, d, g, l, m, n, r) ay labanlaabmaan. Toddobada shibbane waxa lagu soo koobi karaa weedha (lo'du ma nala garaad baa?).
Waxa la sheegay oo kale inuu guddigu ogaa in shibbanaha dh uu labanlaabmo laakiin kolkay laba dhinac ka eegeen, quruxda (dheerida)iyo dhaqaalaha ay go'aansadeen inaan la labanlaabin. tusaale: (Ha hadhdho gabadhdha cadhdhaysan!) sidan hore sidan bay ka doorbideen (ha hadho gabadha cadhaysan!)
Ilo: Qaamuuska Yaasiin Cismaan Keenadiid, Qaamuuska Soo Maal, Qaamuus.net, Ereyo la macneeyey (Cabdrixmaan Faarax "Barwaaqo")
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |