Xarafka xagga hore ama danbe kaga xigaa shibbanaha "n", hadduu yahay shibbane, laballaabku meesha wuu ka baxayaa, sida: "suulnuug, mahadnaq iyo diirnax".
| Ereyo dhigaal ahaan wax yar ku kala duwan, macne ahaanna kala fog | |
|---|---|
| Bannad | banad |
| Gannaf | ganaf |
Ereyadan ku jira jaraha, macne ahaan way kala duwan yihiin, dhigaal ahaanna hal xaraf ayey ku kala duwan yihiin. Haddaba, haddii laga tago halka xaraf ee keenaya kala duwanaanshaha dhigaalka, waxa iman doonta in la kala sooci kari waayo macnahooda. Waxaad arki doontaa ereyada qaarkood oo shibbanaha "n" laballaaban yahay, qaarkoodna uu san laballaabnayn.
Erey macnayntan aan tusaale ahaan u soo qaadanno
Haddaba, haddii aynu afartan erey, shibbanaha "n" ka dayno laballaabka, maxaa dhici doona? waxa dhici doona in la kala sooci kari waayo ereyada macnahooda. Bal hadda shibbanaha"n" aan ka dayno laballaabka oo aan sidan u qorno: "banad, banad, ganaf, ganaf"
Waxa innoo soo baxday inaynaan kala saari karin macnaha ereyada iyo ujeeddada laga leeyahay adeegsigooda, ujeeddadu ma xidh baa mise waa soodh? ma Gafuur baa mise waa wax go'ay?
Sidoo kale, haddaynu afarta ereyba, shibbanaha "n" laballaabno, waxa iman doonta sidaa hore si la mid ah.
Bal hadda ereyada dhammaantood si ka duwan sidaa hore aan laballaabno shibbanaha "n", waana sidan: "bannad, bannad, gannaf, gannaf".
Waxa innoo soo baxday sidii hore si la mid ah oo ah inaynaan kala saari karin, waxa loo jeedo inuu yahay xidh ama soodh? Gafuur ama wax go'ay?
Haddaba, innagoo ka dhaqaaqayna tusaaleyaashan kore waxa lamahuraan ah, in la ilaaliyo xeerarka dhigaalka far Soomaaliga, gaar ahaan shibbanayaasha laballaabma.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa?!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |