Xarafka dhanka hore ama danbe kaga xigaa shibbanaha "l", hadduu yahay shibbane, laballaabku meesha wuu ka baxayaa, sida: Awlal, gaylaan, daylan, Saylac, cawlan, daylan.
Tusaale ahaan:
Haddaad fiiriso, ereyada awlal, gaylaan, daylan, Saylac, cawlan iyo daylan, shibbanaha "l" lama labanlaabin, inkastoo cod-bixiisu adagyahay (nudan yahay), sababtoo ah, waxa dhinac kaga xiga (dhejisan) shibbane, waxayna taasi innoo caddaynaysaa, haddii shibbanayaasha laballaabma xagga hore ama danbe, shibbane kaga xigo, laballaabku meesha inuu ka baxayo.
| Ereyo macne ahaan kala duwan, dhigaal ahaanna faraq yar u dhexeeyo | |
|---|---|
| Ballaq | Balaq |
| Ballac | Balac |
| Diillo | dhiilo |
| Sallaan | salaan |
(Ballaq, balaq, ballac, balac, dhiillo, dhiilo, sallaan iyo salaan). Siddeeddan erey macne ahaan way kala duwan yihiin, dhigaal ahaanna wax yar ayey ku kala duwan yihiin. Haddaba, "ballaq, ballac, dhiillo iyo sallaan", shibbanaha dhexda kaga jira ee "l" wuu laballaabanyahay cod-bixiisa oo adag awadeed, halka uuna la laballaabnayn shibbanaha "l" ee ku ku jira ereyadan kala ah "balaq, balac, dhiilo iyo salaan", cod-bixiisa oo aan adkayn awgeed.
Si aynu u garanno waxtarka uu leeyahay laballaabka xarafka "l" ereyadan dhexdooda, bal aynu ka tagno laballaabka, dabadeedna aan aragno natiijada ka soo baxda.
"balaq, balaq, balac, balac, dhiilo, dhiilo, salaan, salaan".
Waxaa innuu soo baxday in aynaan kala sooci karin macnaha siddeeddan erey ee aynu soo sheegnay.
Bal haddana aynu yeelno sidii hore si ka duwan oo aynu laballaabno shibbanaha "l" ee ku jira ereyada dhammaantood, dabadeedna aan aragno natiijada innoo soo baxda.
"ballaq, ballaq, ballac, ballac, dhiillo, dhiillo, sallaan, sallaan". Haddana, waxaa innoo soo baxday inaynaan kala sooci karin macnaha ereyada.
Haddaba, innagoo ka shidaalqaadanayna tusalayaashan kore, waxa lagamamaarmaan ah in la ilaaliyo dhigaalka farta Soomaaliga, gaar ahaan shibbanayaasha laballaabma.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa?!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |