Higgaad .COM
×
HOOY Naxwe Ereyga maanta Afguri 7 shibbane Sheeko dhigaal Xiriir ☰ Tusmo

5 Shibbanaha M : Shibbanaha "m" wuxuu ka mid yahay shibbanayaasha far Soomaaliga laballaabma mararka qaarkood.
Tusaale: Ammi, ammin, immika, oommane, ummul, hammad, hammi, amme, qamme, dhammaad, gommad, xammaarato, xammaalato, ammaan, aammin, cammir, gammuur, gommad, lammad, lammaane, qummud, xammaal, xammuul, gammaan (-ka) (faras, "bawdo gammaan badh waa biyo").

Kolkaad eegto ereyada ku jira tusaalahan kore, dhammaantood waxay iskaga mid yihiin shibbanaha dhexda ku jira ee "m" oo laballaaban, cod-bixiisa oo adag (nudan) awgeed.

Shibbanaha "m" xarafka dhanka hor ama dambe kaga xigaa hadduu shibbane yahay, laballaabku meesha wuu ka baxayaa, sida: dhigmiirato, dhaymo, dhaqmaad, daymood, safmar, burmad.

Ereyo dhigaal ahaan wax yar ku kala duwan, macne ahaanna kala fog
Dhamme dhame
Sammi sami
Dammiin damiin

Ereyadan ku jira jaraha, macne ahaan way kala duwan yihiin, dhigaal ahaanna hal xaraf ayey ku kala duwan yihiin. Haddaba, haddii laga tago halka xaraf ee keenaya kala duwanaanshaha dhigaalka ereyadan, waxa iman doonta in la kala sooci kari waayo macnahooda. Waxaad arki doontaa ereyada qaarkood oo shibbanaha "m" laballaaban yahay, qaarkoodna uu san labanlaabnayn.

Eerey macnayntan aan tusaale ahaa u soo qaadanno
  1. Dhamme: (-ha), 1) (kabtan) darajo ciidan, garaaddaha u dhexeeya labo-xiddiglaha iyo gaashaanlaha, 2) ciyaarta isu baxa ama legatanka kuriga nooc ka mid ah, waxay u kala baxdaa ciyaartaas legatanku "dhamme, xagayn, gacmogaraadin" natijaduna waxay noqotaa "ku kala gurasho, kaga halsiin ama kaga gurid", tabaha la isku legdana waxa ka mid ah "qonof, sinsaaro, tabco, tudhexe", xeerarkeeda waxa mid ah "inay labada gacmood midi ku ekaato garabka iyo kellida inta u dhexaysa, midna bawdada oo ayna gaadhin lawga ama jilibka.
  2. Dhame: (-ha), (cabbe) "ciirtaada dhamaa ceebtaada yaqaanna".
  3. Sammi: (-da), qof, qof la magac ah, ruux ruux kale isku magac yihiin, magacwadaag.
  4. Sami:(-da), wanaag, samaan, samo.
  5. dammiin: (-ka), qof ballanqaada inuu ilaaliyo oo uu masuul ka noqdo qof kale wixii loo haysan lahaa ama loo raaci lahaa.
  6. damiin: (-ka), fahmo yar, dhamaas, damman.

Haddaad dib u fiiriso ereyada ku jira jaraha, waxaad ku arkaysaa ereyada kala ah (dhamme, dhame, sammi, sami, dammiin iyo damiin). Haddaba, saddexda erey ee "dhamme, sammi iyo dammiin", shibbanaha "m" wuu la labanlaaban yahay, cod-baxiisa oo adag aawadeed. Saddexda erey ee kale "dhame, sami iyo damiin", shibbanaha "m" lama labanlaabin, cod-baxiisa oo fudud darteed.

Fiiro gaar ah: Haddaba, haddaii laga tago labanlaabka shibbanaha "m", maxaa dhici doona? Waxa dhici doonta in la kala sooci kari waayo macnaha ereyada. Bal aan eegno oo aan ka tagno labanlaabka shibbanaha "m". (dhame, dhame, sami, sami, damiin, damiin). Waxa innoo soo baxday inaan la kala saari karin macnaha ereyada.

Eereyada dhammaantood haddaan labanlaabno shibbanaha "m" maxaa haddana dhici doona? Bal aan fiirinno. (dhamme, dhamme, sammi, sammi, dammiin, dammin). Haddana waxa soo baxday inaynaan kala saari karin macnaha ereyada.

Haddaba, waxa waajib ah, in la ilaaliyo xeerarka dhigaalka far Soomaaliga, gaar ahaan shibbanayaasha labanlaabma.


Bilowga bogga ku laabo