Waxa la yidhi beri islaan dumarkii hore ka mid ahayd ayaa gabadheedii la guursaday. Mudadii gabadha la rarayey (la wareejinayey) oo reerkii ay u dhaxday lagu hoonayey, ayey hooyadeed la dardaarantay. Caado waxaa ahaan jirtay sabanadii hore sodohdu gabadheeda inay la dardaaranto oo ay waxna ka waaniso waxna ku waaniso (xumaanta ka reebto, wanaagana ku dhiirigeliso). Waxay ku tidhi "hooyo ragu waa wax hungurixune, kolkuu ninkaagu aqalka soo galo, waxuun afka kaga dhufo, kolood kab kaga dhufato".
Maalin buu hadaba ninkii dibada u baxay, malaha, gelin kolkuu banaanka ku maqnaa, soo noqodkiisii markuu soo galay aqalkii ayey gabadhii kab afka kaga dhuftay ninkii, ileen dardaarankii hooyadeed bay qabtaaye.
Mashaqo ayaa meeshii ka dhacday oo si qalad ah ayey u fahantay dardaarankii hooyadeed. Ujeeddada dardaarankuna waxay ahayd, wax la cuno sii, ha yaraado ama ha badnaado. Marna wax la'aan ha ka dhigin ninkaaga oo dibada ka soo galay ee wuxuun dhandhansii uu calyada iskaga bi'iyo. Sida dhaqanku ahaan jirey, waxa la siin jirey colob kolkuu ninku caroos ama inalayaal yahay.
Layli
| Isku day in aad garato macnaha ereyadan soo socda. | ||
|---|---|---|
| 1. Rar | 2. Saban | 3. Soddoh |
| 4. Dardaaran | 5. Hungurixun | 6. Reeb (ka-) |
| 7. Dhiirrigelin | 8. Mashaqo | 9. Dhadhamo |
| 10. Calyo | 11. Dhaqan | 12. Collob |
| 10. Caroos | 11. Innalayaal | 12. Caado |
| Isku day in aad saxdo dhigaalka ereyadan soo socda. | |
|---|---|
| 1. Mudadii ___ | 2. Sabanadii ___ |
| 3. Sodohdu ___ | 4. Dhiirigeliso ___ |
| 5. Ragu ___ | 6. Hadaba ___ |
| 7. Dibada___ | 8. Gelin___ |
| 9. Banaanka ___ | 10. Ileen ___ |
| 11. Colob ___ | 12. Inalayaal ___ |
| 13. Wanaagana ___ | |
| Isku day in aad garato dulucda (ujeeddada) sheekada. |
|---|
| (-----------------------------------------------) |
Waxa la yidhi beri islaan dumarkii hore ka mid ahayd ayaa gabadheedii la guursaday. Mudadii gabadha la rarayey (la wareejinayey) oo reerkii ay u dhaxday lagu hoonayey, ayey hooyadeed la dardaarantay. Caado waxaa ahaan jirtay sabanadii hore sodohdu gabadheeda inay la dardaaranto oo ay waxna ka waaniso waxna ku waaniso (xumaanta ka reebto, wanaagana ku dhiirigeliso). Waxay ku tidhi "hooyo ragu waa wax hungurixune, kolkuu ninkaagu aqalka soo galo, waxuun afka kaga dhufo, kolood kab kaga dhufato".
Maalin buu hadaba ninkii dibada u baxay, malaha, gelin kolkuu banaanka ku maqnaa, soo noqodkiisii markuu soo galay aqalkii ayey gabadhii kab afka kaga dhuftay ninkii, ileen dardaarankii hooyadeed bay qabtaaye.
Mashaqo ayaa meeshii ka dhacday oo si qalad ah ayey u fahantay dardaarankii hooyadeed. Ujeeddada dardaarankuna waxay ahayd, wax la cuno sii, ha yaraado ama ha badnaado. Marna wax la'aan ha ka dhigin ninkaaga oo dibada ka soo galay ee wuxuun dhadhansii uu calyada iskaga bi'iyo. Sida dhaqanku ahaan jirey, waxa la siin jirey colob kolkuu ninku caroos ama inalayaal yahay.
Layli
Ereymacnayn
| Dhigaal sixid | |
|---|---|
| 1. Mudadii muddadii | 2. Sodohdu soddohdu |
| 3. Dhiirigelin dhiirrigelin | 4. Ragu raggu |
| 5. Hadaba haddaba | 6. Dibada dibadda |
| 7. Gelin gellin | 8. Banaanka bannaanka |
| 9. Ileen illeen | 10. Colob collob |
| 11. Inalayaal innalayaal | 12. Sabanadii sabannadii |
| 13. Wanaagana wanaaggana | |
Duluc
Hadalaw nin si kuu yidhi, hawraarayna ninba si kuu qaaday. Ereyga macnihiisa iyo muuqiisa duleed, waxaa ka mihiimsan fahankiisa ujeeddo
Sheekadani maaha midaan curiyey ama aan soo afceliyey ee waa sheeko Soomaaliyeed
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |