Maahmaahdu waa hadal kooban oo xambaarsan murti iyo waayo aragnimo ay ka tageen jiilashii hore oo saamayn weyn ku leh nolosha. Waxay ka dhalataa xalaad la soo gudboonaata dad taas oo xasuustooda ku reebta raad ama cashar lama illaawaan ah oo ay u reebaan jiilalka kale ee iyaga ka dambeeya.
Maahmaadu waxay xambaarsantahay dhaqanka, sooyaalka iyo ilbaxnimada bulshadu leedahay. Waxay wax badan ka tilmaantaa dabeecadaha iyo tilmaamaha ay bulshadu doorbiddo iyo kuwa ay dhaliisho.
Maahmaahdu waxay ka mid tahay suugaanta Soomaalidu caanka ku tahay. Sidaad wada ogtihiin gabayga, geeraarka, buraanburka iyo maansada ciddii tirisay ama alliftay waa la sheegaa laakiin maahmaahdu sidaa way ka duwantahay oo waxay ka dhaxaysa bulsho weynta Soomaaliyeed, mana jirto curinteeda cid gaar ah oo lagu magacaabo. Sidoo kale waxay kaga duwantahay qaybaha kale ee suugaanta, maahmaahdu waa ta keliya ee mararka qaarkood aan lahayn qaafiyad.
Tusaale (a)
"nin maalo ku dudayaw siiga yare"
"durduro geel baa ku jaba"
"hal libaax arkaysaa ma godlato"
Tusaale (b)
"dhar kaa dheeri dhaxan kaama tiro"
"ishiisa laga gartaa ushiisa lagu tumaa"
"budo qabe iyo biyo qabe isu baahan"
Tusaalaha (a) saddexdaa maahmaahood ee ku jira midkoodna ma leh qaafiyad. Saddexda kale ee ku jira tusaalaha (b) dhammaantood waxay leeyihiin qaafiyad.
Bal tuusaale kale aan ku dayno inay suugaanta kale aqbasho qaafiyad la'aan.
Tusaale
"inan yar oo raamo loo, reerkan" lagu sheegay (1)
oo naasku soo yaraha rikibay, marada ruuxeeda (2)
reerkooda yaa iila kici, raacay inantiiye" (3)
( waa tuducyo laga soo xigtay Ismaaciil sheek C.)
tixdan kore ee aan tusaale ahaan u soo qaadannay haddaan fiirinno, tudduca (1) wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo hakad u dhexeeyo, qaybta hore waxa ku jira ereyga raamo, qaybta dambana waxa ku jira ereyga reerkan, waxa sidaa la mid ah, labada tudduc ee kale (2) iyo (3). Sidaa darteed, waxa innoo soo baxaysa inay tixdani leedahay qaafiyad ku qotonta xarafka "R" buuxisayna shuruudihii lagu yaqaannay gabayga.
Haddii, tudduc kasta oo tixdan ka mid ah laga waayo qaafiyaddan, waxaa la odhanayaa maaha gabay, maxaa yeelay wuu jabanyahay oo shuruudihii gabayga ma uusan buuxinin. Maahmaahdu sidaa way ka duwantahay waana ujeeddada aan ka lahayn tusaalayaashan.
Maxay dadku ugu soo halqabsadaan maahmaahda? Goorma ayey ku soo halqabsadaan?
Dadku maahmaahda waxay ugu soo halqabsadaan inay hadalkooda, xujodooda ama dooddooda miisaan ugu yeelan. Waxay ku soo halqabsadaan oo kale, kolkay soo marto ama ay la soo gudboonaato xaalad ama dhacdo la mid ah tii ay ka dhalatay oo kale.
Waxaan muran ku jirin inay Soomaalidu adeegsato maahmaahda kolkay isugu timaaddo meel sida caroos, casuumad, duco, tacsi, shir, gar ama geed.
Maadaama maahmaahdu sidaa u tahay laf dhabarta suugaanta Soomaalida, waxaanno go'aansannay inaannu soo uruurinno intuu Eebbe na karansiiyo, iskuna dayno inaannu macnayno si loo fahmo macnaha iyo ujeeddada maahmaahdu xambaarsantahay iyo in la garto goorta iyo goobta loo adeegsan karo.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |