munbeer (-ka)
Agab ka samaysan xadhko leh midabbo, lagu gurto birqalaxda sida mindiyaha, gudmaha iwm.
Tusaale:Mukhturka munbeerka ku rid!
gudinquraar (-ta)
Gudin yar oo wax lagu qoro sida "haamaha, kooraha, iwm".
Tusaale
faagto waa gudinquraar jubbina waa la mid.
quraar (-ta)
Sanco ama farsamo agab geed lagaga qoro, agabka kiisa wax lagu qoro iyo kiisa la qoro sida weelasha iwm.
Tusaale
Sancada quraarta yari buu ku bilaabay.
Raadraac
- Erayo la Micneeyay
- www.qaamuus.net
- Qaamuuska Af Soomaaliga ee Yaasiin Cismaan Keenadiid
- Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur
- Qaamuuska Af Soomaaliga ee Soo Maal ee tifatirihiisu yahay Aaden Xasan Aaden
- Naxwaha Af Soomaaliga ee Shire Jaamac
- Barashada Naxwaha Af Soomaaliga ee Cabdalla Cumar Mansuur
Ujeeddo
Ujeeddada loo sameeyey boggan www.higgaad.com, waxay tahay kobcinta iyo kor u qaadidda tayada FAR SOOMAALIGA.
Boggani ma aha mid siyaasad ku salaysan, ma aha mid lagu soo daabaco warar iyo wax kasta oo la xidhiidha siyaasad.
Boggani wuxuu u furanyahay oo keliya AF SOOMAALIGA iyo wax kasta oo la xidhiidha kobcintiisa iyo kor u qaadidda dhigaalka fartiisa.
Waxaannu soo dhowaynaynaa ruux kasta oo wax ku soo kordhinaya boggan, waxaas oo aan ka baxsanayn waxa uu u furanyahay oo ah FAR SOOMAALIGA. Waxaannu aad ugu baahannahay aqoonta, fikradaha iyo talooyinka aad haysaan.
Mahadcelin
Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaar ah ugu mahadceliyo farsamayaqaannada sameeyey bogga www.w3schools.com
oo sabab u ahaa inaan sameeyo boggan
www.higgaad.com iyo sidoo waxaan u mahadcelinyaa dhammaan magacyada aan ku soo xusay raadraaca.
|
© 2019 higgaad.com |
|---|