Waxaa la yidhi gabadh baa adhigooda raaci jirtey. Sida uu yahay dhaqanka Soomaalida reer guuraaga ah, gabdhuhu inta badan waxay raacaan adhiga. Gabadhu waxay jeclayd wiil ay isku reer ahaayeen (wada degganaayeen). Maalin bay dacawo gabadhii ka cuntay orgi ay lahaayeen. Isla maalinkaa waxa geeriyooday wiilkii ay jeclayd. Gabadhii oo ooyeysa ayaa adhigii soo xaraysay, markii la weydiiyey waxa ku dhacay ee ay la ooyeyso, waxay ku jawaabtay baa la yidhi "orgigii ina hebel bay maanta dawaco cuntay".
Waxaa la yidhi gabadhii oohintii way joojin weyday. Habeenkii oo dhan waxay wadday baroor aan kala joogsi lahayn. Waxaa la yidhi kolkii la yaabay ayuu aabbaheed weydiiyey "aabbo baroortu orgiga ka weyne maxaa jira oo aad naga qarinaysaa?!" Waxaa la yidhi gabadhii waxay ku jawaabtay "aabbo wiilkii ina habel ahaa ee shalay dhintay ayaan jeclaa!"
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa marka aad aragto ama dareento arrin lagu hoos qarinayo arrin kale oo ka weyn. Kolka qofku arrin u dahsoon ku maldahayo tu kale oo uu muujinayo. Kolka ujeeddada ruuxu ay tahay tuu uurka ku haysto ee ayna ahayn tuu afka ka sheegayo ee uu ku marmarsoonayo.
Waxaa la yidhi beri laba nin oo socoto ah ayaa meel cidla' ah isugu yimid. Labada nin midi waxa uu haystay biyo, ka kalana waxa uu haystay baad (raashin qaydhiin ah sida masaggo ama bariis...imw). Kan biyaha haysta harraad (oon) ma hayee waxa haysa gaajo (baahi), kan kalana waxa haya oon (harraad).
Waxaa la yidhi labadii nin kolkay is waraysteen waxay ku heshiiyeen inay biyaha iyo baadka isku darsadaan oo ay dheri karsadaan. Sidii bay yeeleen, kolkay raashinkii cuneen biyihiina ay cabbeen, oonkii iyo gaajadii ka baxeen, ayaa waxay curiyeen oo ay ku dhawaaqeen maahmaahdan "biyo qabe iyo budo qabe isu baahan".
Maahmaahdani waxay muujinaysaa inuu nooluhu isu wada baahanyahay. Ma jiro ruux ka maraami kara ruuxa kale. Waxyaabaha saameeya nolosha sida aqoonta, garaadka, hantida iyo awoodda ruuxna keligii magan uma aha, ruuxba wax baa ka maqan. Inta kaa ka maqan ee aanad haysanin waxa haya dad kale oo ku maqantahay. Kii biyo haysta baadkii baa ka maqan, kii lacag haysta ciidankii baa ka maqan...iwm.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa loogu soo halqabsadaa awoodda uu leeyahay wadajirku, mihiimadda uu leeyahay is oggolaanshahu, qiimaha ay wataan wax isku darsigu iyo wax wada wadaaggu.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |