Higgaad .COM
×
HOOY Naxwe Ereyga maanta Afguri 7 shibbane Sheeko dhigaal Xiriir ☰ Tusmo

1 Shibbanaha B : Shibbanaha "b" wuxuu ka mid yahay shibbanayaasha far Soomaaliga laballaabma mararka qaarkood.
Tusaale: Aabbur, baabba', baabbaco, baabbah, baabbul, cabbaadh, rabbi, caabbi, cabbir, cabbur, dabbaal, dubbe, dubbad, Eebbe, gabbaad, gabbaati, gabbasho, kubbad, cabbaar, cabbe, shibbane.
Dhammaan ereyadan taxan ee ku jira tusaalahan kore, Shibbanaha "b" wuu laballaaban yahay cod-baxiisa oo adag (nudan) darteed.

Ereyadan soo socda inkastoo uu adagyahay cod-baxa shibbanaha "b" haddana hadduu yahay shibbane xarafka xagga hore ama danbe kaga xigaa, laballaabku meesha wuu ka baxayaa, sida: "Xambaar, sanburuq, cambaar, cambe, dalbo, dambeed, dambas, dhambaal, xambaaro, dhimbiil, hambalyo, denbi, danbiil, lanbar, sanbab, basanbaas, qambaar, hambac".

Ereyo dhigaal ahaan wax yar ku kala duwan, macne ahaanna kala fog
Abbaar Abaar
Dabbar Dabar
Dubbe Dube
Kabbo Kabo

Erey macnayntan aan tusaale ahaan u soo qaadanno
  1. Abbaar: (-ta), ujeeddo, hadaf. "sababee abbaartaada"
  2. Abaar:(-ta), roobla'aan, roobwaa, baad iyo biyo la'aan dhacda.
  3. Dabbar: (fal), maaree, habee, maamul, hagaaji, suubbi.
  4. Dabar: (-ka), seeto.
  5. Dubbe: (-ha), bir culus, malaasan, dhexda daab ku leh, wax lagu tumo ama lagu jebiyo sida birta ama dhagaxa iwm, madaraqad.
  6. Dube: (-ha), ruux wax duba, sole.
  7. Kabbo: (-da), (fal), dareeri sida caano ama biyo in ka yar cantuugo afka ku qaado, firiq sii. "kabbo subag ah iyo kalaam waalid midna ma baaqdo".
  8. Kabo: (-ha), (keli: kab), jaamo.

Tusaalahan kore waxa ku jira siddeed erey oo kala ah "abbaar, abaar, dabbar, dabar, dubbe, dube, kabbo, kabo".

Ereyada qaarkood shibbanaha "b" wuu laballaaban yahay, qaarkoodna ma laballaabna. Haddaba, haddaynu dhammaantood laballaabno maxaa dhici kara? bal aan laballaabno oo aan aragno isbaddalka dhaca. "abbaar, abbaar, dabbar, dabbar, dubbe, dubbe, kabbo, kabbo". Waxaa innoo soo baxday inaynaan kala sooci karin ereyada macnahooda.

Bal haddana sidaa hore si ka duwan aan yeelno oo aan ka dayno shibbanaha "b" laballaabka. "abaar, abaar, dabar, dabar, dube, dube, kabo, kabo". Haddana waxaa innoo soo baxday sidii hore si la mid ah, oo ah in aynaan kala saari karin macnaha ereyada.

Haddaba, waxa habboon oo lagamamaarmaan ah, in la ilaaliyo xeer-dhigaalka far Soomaaliga, gaar ahaan shibbanayaasha laballaabma si loo kala sooco macnaha ereyada, ujeeddada tusmaduna waa taas.


Bilowga bogga ku laabo