Adeegsiga af qalaad, af aanad aqoonin (kasaynin) waxyaabo aanad ugu talagelin, raalli ka ahayn baad ku hadashaa, qaladaad badan baad ku gashaa, ujeeddadii aad lahayd baad si kama' ah uga leexataa, adiga ayaa dib isugu dhibaateeya afkaas, afqalaad wuxuu ku gaadhsiiyaa ilaa heer aad adigu is caydo ama aad is aflagaaddayso.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka ay kaa lunto ujeeddadii aad lahayd adigoo adeegsanayo afqalaad "af aan ahayn afkaaga hooyo".
Arrin sir ama gaar ah, aflagaaddo ama cay oo aanad raalli ka ahayn oo ruux kale ka soo baxda ama uu ku hadlo dad dhexdii ama taleefan taas oo aanad awood u lahayn inaad joojiso ama qabato.
Goor-adeegsi
Adiga oo dareenkaaga yaab ku jiro ayaa waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan marka qof uu sheego ama ay ka fakato arrin sir ama gaar idiin ahayd idinkoo jooga dad dhexdii ama taleefan uu ku gudbiyo.
Waxa lagu soo hal qabsadaa oo kale kolka laga hadlayo meel afxumo iyo khashifaadi ka dhacday oo aad goobjoog u ahayd laakiin aad awood u weyday inaad qabato ama aad waxa u sheegto ruuxii falkaas waday.
Eeg maahmaahda ⇢ Af aanad lahayn illeen aamus lama dhaho.
Ruux kasta oo aftahan ah, hal-abuur ah, hal-karaan ah, codkar ah waxa u taagan magaca reer aw Mahdi. Ruux kasta oo afgarrooc ah (amuume), aan hadal-aqoon ahayn, aftahan ama codkar ahayn waxa u taagan magaca lo'.
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan marka qof codkar ah, aftahan ah, hal-abuur ah, hal-karaan ah, deeqsiiyo hadalkiisa dadka madal (goob, fagaare) looga baahnaa. Madashaas oo la mid ah tii ay ka dhalatay maahmaahdu ee ay reer aw Mahdi wacdaraha ka dhigeen.
Ujeeddadu waxay tahay qiimo ma leh af aan dadka deeqsiinin ereyga, difaacin xaqa, kala saarin ummadda, garta siinin ruuxii lahaa, gardarrada geed ku xidhin. Afkaasi waxba ma dhaamo af lo'aad. Lo'duna kuma hadasho afkeeda ee cagaarka iyo cawska ayey ku cuntaa. Kolkay gadooddo ama dugaaggu cunayana way ku cabaaddaa afkeeda.
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahmadan kolka aad aragto ruux aftahan ah oo Ilaahay codkar ka dhigay oo ku hadlaya ereyo aan turxaan lahayn oo weedhiisu joogsi iyo hakad toona lahayn. Kolkaad aragto qof goobtuu ka hadlo dabadii cid kale aanay ku dhiirran karin inay ka hadasho.
Aamusnaanta iyo xishoodka badan, iska ilaalinta hadallo meel ka dhac ah, ka fiirsashada waxa ka soo baxaya afkaaga waxa lagu masaalayaa dahab. Af gaabnida iyo hadal yaridu waa dahab. Aamusnaantu waa qaali.
Ujeeddadu waxay haddii uu qofku hadal bato, goor kasta hadlo, wax kasta ka hadlo, odhaahdiisu xad yeelan weydo, wuu qiimo dhacayaa ruuxaasi oo wax ka soo qaad iyo miisaan toona ma yeelanayo hadalkiisu. Waxa u dhigma Af daboolan daqsi ma galo iyo Af aamusan ma xujoobo..
Saddex bay dadku kugu jeclaadaan
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka laga hadlayo wanaagga, qiimaha iyo sharafta ay leedahay aamusanaantu (afgaabnidu) iyo marka laga digayo hoogga, hankaaga, sharafdarrada, qiimo yarida iyo guuladarrada ay hadal badnidu leedahay. Sidoo kale waxa lagu soo halqabsadaa kolkaad aragto ruux afkiisu u soo jiiday dhibaatooyin.
Eeg maahmaada ⇢ Af daboolan dahab.
Eeg maahmaada ⇢ Af daboolan dahab.
Eeg maahmaada ⇢ Af daboolan dahab.
Ruux kasta oo badiya hadal, muran ama dood oo aamus lagu kari waayo, isagaa dan u aamusi. Isagaa daali oo ay dani aamusiin.
Goor-adeegsiArrin uu joogo ruuxii ay qusaysay laguma dhex dhaco. Xaajo qofkii lahaa goobjooge yahay lagama dhex maro oo afhayeen looma noqdo.
Ujeeddaduna waxay tahay "aniga ha ii hadlin anaa jooga oo naftayda u hadli, ha u hadlin ruux hebel isagaa dhiiban codkiisa".
Lo'duba isuma aroorto oo sacna sac kale biyo ceelka ugaga ma keenino, sidaas si lamid ah ruuxna ruux kale oo diyaar u ah inuu qabsado arrimihiisa afhayeen uma noqon karo.
Maahmaahdani waxay muujinaysaa siday Soomaalidii hore u ilaalin jirtay xorriyadda hadalka, dimuqraaddiyadda iyo caddaaladda.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka uu qof, qof kale uga digayo in uu ruux nool oo miyirqaba u noqdo afhayeen ama uu jujuubo.
Hadal ama ereyo quruxbadan waxa laga jecelayahay ama laga doorbidaa lacag iyo maal la isa siiyo. Sida wax isa siin loogu qanco loogu ma qanco hadal macaan.
Waxa la halmaala maahmaadan "Meel hoo u baahan hadal wax kama taro", "hadal haan ma buuxsho", "farahii dufan leh baa wax duuga", "labada wiil ee walaalaha ah kolba kii lacag leh baa weyn".
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan marka meel hoo iyo wax siin u baahan loogu baddalo hadal macaan.
Wax-ma-tare, marjay iyo af-ka-tabar, ruux aan gargaar laga helaynin oo haddana muran iyo dood la soo taagan. Qof xadhig-lama-sitaan ah oo haddana murankiisa loo maara la' yahay. Sida eygu dhaar iyo habeenba u ciyo, wax-ma-tare isna ma daayo hadal aan wax soo kordhinaynin. "Madax muuqda iyo mindi raawis ah midna lagama quusto".
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan kolka la yasayo, hoos loo dhigayo ee la qiimo tirayo fikirradda qof maangaab ah, oo hadduu joogo iyo hadduu maqanyahay midna aan la tebin.
Eeg maahmaada ⇢ Af nooli wuu hadlaa eyna wuu ciyaa.
Dabeecadaha aadanaha (dadka) waxa ka mid ah inuu qofku, qofkii wax siiya ka xishoodo, ixtiraamo, ka gaabsado, ka foorarsado, maragga ku furi waayo, runta ku caddayn waayo, u eexdo, u xagliyo, u dhega-nuglaado, daboolo denbigiisa, gardarradana ku tageero.
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan kolka ruux la gubbeeyo, la siiyo laaluush, si qarsoodi ah xoolo loo siiyo si uu u qariyo arrin ama dhacdo uu joobjoog u ahaa dabadeedna ruuxaasi ka cagajiido inuu wax xog ah ka bixiyo arrintaas marka wax laga weydiiyo.
Aadanahu dhibaatooyinka uu u gaysto degaanka waxa uu ku suubbiyaa gacmihiisa, hadday tahay xaalufin, colaad, qashin ku daadin, sumaynta gibilka ku xeeran dhulka iyo dabargoynta noolaha kale.
Waxyeellooyinka aadanuhu u gaysto dunida abaari uma gaysato, maxaa yeelay abaar dawadeedu waa roob, laakiin burbur aadane wado dawo looma helo leh. "Aadane la aragyaaba dhib la arag."
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan kolka laga hadlayo sida daran ee aadmigu wax u dhammeeyo ama uu u xaalufinayo degaanka ku xeeran. Sida layaabka leh ee dadku gacmihiisa ugu suubbinayo masiibooyin.
Maahmaahdan waxa lagu sheegay afar arrimood oo kala ah inaad guurto, guursato, geel qaaddo iyo geenyo gadato. Waxaa is weydiin mudan nin geeddi ku jiraa guur ma u fadhiisan karaa?
Jawaabtu waa "maya".
Nin geel qaaday oo raggii lahaa raad gurayaan intuu saylad tago geenyo ma iibsan karaa?
Jawaabtu waa "maya".
Waxay yihiin afar arrimood oo aan halmar la wada qaban karin oo aan is qaadi karin.
Ujeeddadu waxay tahay hawl in la qabataa waxay u baahantahay qorshe iyo degganaasho. Waxay ka digaysaa maahmaahdu inuu ruuxu isku dayo halmar fulinta hawlo ka itaal weyn.
Waxay tilmaamaysaa maahmaahdani oo kale sida nin yidhi laba faras baan halmar wada fuuli, shakina kuma jiro kolkay dhaqaaqaan inuu dhexdooda ku dhici.
Maahmaahdan waxaa halmaalaan "oodo-dhacameed siday u kala sarreeyaan baa loo kala guraa", "canjeero siday u kala sarraysaa loo kala cunaa", "Cad iyo cashir ba waa la yaryaraystaa", "togba taagti buu rogmadaa".
Goor-adeegsi
Waxa lagu halqabsadaa maahmaahdan markay isku murgaan hawlo badan oo u baahnaa in la qabto waqtiyo kala duwan ama la isaga digayo in la is dhexgeliyo hawlo aan is qaadi karin oo aan tabar loo haynin fulintooda halmar.
Sida ka muuqata maahmaahda jiritaanka noloshu waxay ku xidhantahay nabad, ididiilo, niyad iyo qabta rajo wanaagsan. Nolol wanaagsan ku ma xidhna hanti badan oo lahaysto iyo aqoon maaddi ah ee waxay ku tiirsantahay iimaan (niyad) rumaysan jiritaanka Eebbe iyo inay jirto aakhiro ruux walba lagu abaalmarinayo shar iyo khayr wuxuu soo gaystay.
Waa run, naftu qaali oo ruuxna ma jecla geerida, waa run, nacaybku waa dab gubaya laabta ruuxa dadka kale nacaya, waa run, nabsigu waa qadhaadh sida dacar-dhegaweynta oo kale ah, taas macnaheedu waxay tahay qof kasta oo qof kale dulmi iyo dhibaato u soo gaystay, ugu danbayn dhibaatadu isagay ku soo danbayn.
Gocoshada xanuunka leh, waxaan uga golleeyahay, godob aabbe falaybaa, ubadkiisa gocondhiyo, gumar shidan ku noqotoo, gabi dheer ku dumisee, ninka inan ma geyda ah, gol qaniin ku maalee, gurrac kaga danaystow, waxaad gaaxsanaysiyo, geshigaad cuneysiyo, xumahaad geleysaa, ruuxay ka go'antahay, gabadhaada weeyee, gefka aad falaysiyo, waxaad geysanasaa, galab kale ka sheekayn.
Xigasho: Maansada Hadraawi "Hablaha Geeska"
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan kolka nolol, naf, nacayb iyo nabsi, afartaa xaaladood mid ka mid ahi markay kula soo gudboonaato.
Maahmaahdu waxay ku socotaa ruux hadal mooyee aan waxtar lahayn. Qof canaan iyo guulguul badan, qaylo iyo qaxar meel la fadhiya. saalo-xero-keen, xarig-lama-sitaan, soodhaaq.
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan kolka loo jawaabcelinayo ruux hadal mooyee aan waxqabad lahayn.
Maahmaahdani waxay la halmaashaa "Jinni ninkii keenaa bixiya". Waxaa la yidhi nin reer Godey ah ayaa ciidan Xabashi ah ka soo kexeeyey magaalo la yidhaahdo Goojaamo (Gojam) oo ku taalla gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa uuna keenay magaalada Godey ee gobolka Soomaalida. In muddo ah kolkuu dhex wadwaday magaalada ee uu kala baray ayaa maalin isagoo dhex wada suuqa, ayey isagii iyo askartii Xabashidu is qardoofeen (khilaafeen, afdhaafeen).
Waxaa la yidhi, way garaaceen, wuu cabaaday, kolkaasaa waxaa la yidhi rag Soomaali ah oo ay is garanayeen oo meel fadhiyey ayuu yidhi war hebel iyo hebalaw iga qabta Xabashida! War iga qabta ragga! War iga la hadla!
Markaasaa waxa ay ku yidhaahdeen "Afkaad Goojaamo kaga keentay kula hadal".. Taas oo ay ujeeddadu tahay, garaadkii iyo raganimadii aad kaga soo kaxay Goojaamo, iskaga celi oo ku xalli muranka iyo dagaalka idin dhex yaalla.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka hawl uu ruux horseed ama sabab u ahaa oo aan bilawgeeda lagu raacsanayn (raalli laga ahayn) ay dhibaato ku keento ruuxii, dabadeedna ruuxu codsado taageero.
Qof hadduu gef iyo aflagaaddo ku hadlo, ka soo baxaan afkiisa ereyo xaal ku raacayo ama xeer ku xidhiyo, haddana waa inuu noqdaa qof afkiisa ku sixi kara qaladaadkiisa oo ku garwaaqsan kara. Waa inuu ahaadaa ruux ku xilbixi kara afkuu kolkii hore ba ku gaystay meelkadhaca iyo waxyeellada loo haysto. Haddii kale afkaas ma noqonayo af wax kuugu yaalla.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka ruux intuu xujo isku xidho dabeedna qaabkuu u xujo bixi lahaa garanwaayo. Marka la yidhaahdo war maxaad sidan u yeeshay? Sheegi kari waaya sababta u geysay inuu sidan yeelo ama keeni kari waaya dadka haysta ujeeddo ay ku qancaan.
Qof laga cabsoonayo sida boqor keligitalis dad-dil ah, ruux ku dhiirrada inuu sheego qaladaadkiisa iyo dhaliilihiisa.
Ujeeddadu waxay tahay, si kasta ruuxu ha u xoog badnaado oo ha looga cabsoodo waxa door ah in dhalliishiisa la sheego oo aan looga aamusin wuu ku dili ama wuu ku xidhi.
Dab wax ka kulul ma jiro, haddana qofkii dab yidhaahda dibnuhu ma gobanayaan, sidaa waxa la mid ah ruuxii dulmiilaha laga wada cabsoonayo farta ku fiiqa.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa marka la isku dhiirrigelinayo in aan runta looga tanaasulin dad-dil, keligitalis, boqor iyo cid kasta oo amar-ku-taaglayn wadda.
Cay, caraatan, gef iyo aflagaaddo waxyeello iyo luggooyo mooyee waxtar ma leh. Wax aan dhib iyo dhibaato ahayn oo ay afxumo soo kordhinaysaayi ma jirto. Walaaltinimo, wadajir iyo nabad afxumo way sii fogaysaa, dagaal iyo dirirna way sii kordhisaa.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka dad dirirsan ama qof caytamaya loogu caqlicelinayo. Looga digayo afxamo iyo aayo xumadeeda.
Xamaro waa magac haleed, waxayna u taagantahay geel oo dhan. Ujeeddaduna waxay tahay, haddaad xoolo dhaqaynaso, geel dhaqo, haddaad rabto gabadh sharaf leh inaad guursatana geel lahaw. Geel la'aan, gaari heli maysid! Sababtuna waxay tahay, xoolaha la dhaqdo, waxa ugu qaalisan geela.
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan kolka la isku dhiirrigelinayo dhaqashada geela. Kolka laga warramayo wanaagga, qiimaha iyo quruxda geelu leeyahay.
Wixii qalad iyo qallooc ku soo barbaara, laaxin ku soo bilaabma, haddii aan la toosinin, dadaal badan loo gelin sidii loo sixi lahaa, geeddheer iyo ku gaaban loo fuulin sidii loo toosin lahaa, weligii wax qalaad oo qaladan unbuu ahaan.
Toosin iyo tarbiyo waa inta ilmuhu yaryahay. Unugga, seeska iyo gundhigga hore haddii ay xumaadaan oo hawsha bilowgeeda khalad galo, dhammaadkeeduna wuxuu ahaan qalad iyo guuldarro joogta ah.
Aasaaska noloshu waa waxbarasho (tacliin), haddayse yaraan kaagaga xumaato, oo aad duruusta sidii loo baahnaa u soo qaadan weydo, noloshaada weligaa noqon maysid mid hanaqaada oo xooggiisa ku haqab-beela, oo ka xorooba baahida aadmiga kale.
Ilmihii basarxumo ku soo ababa, edebdarro lagu soo anqariyo, basarxumadaas unbuu ku qaangaadhaa oo uu ku weynaadaa, taas ayaana noqonaysa ta la qumman, ciddii ka tag tidhaahdana qalad buu u arkayaa. Geedku inta uu yaryahay ayaa la toosiyaa, kol hadduu weynaado oo la isku dayo in la toosiyo, wuu jabaa.
Ujeeddadu waxay tahay wax waliba inta uu cusub yahay, yahay curdun, yahay dhallaan, kolba wixii lagu koriyo, lagu barbaariyo ayuu la weynaadaa. Sida Qur'aankaba haddii xuruufta iyo dhowaaqeedu bilowga kaa soo xumaado, laaxinkaasi kuula soconayo ilaa dhammaadka.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka la arko arrin qalad ku soo bilaabatay qaladna ku dhammaatay.
Kolka la laga digayo in hawl sida barbaarin ubad lagu bilaabo qaab gurracan.
Kolka ay taagantahay arrin anshixumo ah oo ruux caadaystay.
Marka loo aanaynayo in qaladku ama basarxumadu ku ruux ama shayga la soo kowsadeen.
Alle (Eebbe) if iyo aakhiraba isagaa abuuray oo iska leh, maamulkeedana isagaa iska leh, wax uuna doonaynin ma dhici karo, waxa uu doonayana cidi ma horjoogsan karto. Haddaba ruuxii Allaha awooddaas leh rumeeya, aamina, qaata amarkiisa, fuliya wixii uu faray, ka fogaada wixii uu ka xarrimay ee u dhiibta taladiisa, ruuxaasi if iyo aakhiraba wuu guulaysanayaa, wuu liibaanayaa. Nin Ilaahay dhab u yaqaannaa ma hongoobo oo ma hoogo.
Goor-adeegsi
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan kolka talasaarashada Eebbe la is farayo, lagu isku boorrinayo. Marka la arko qof taqi ah, dhawrsoon oo dhibaatooyin badan ka badbaaday.
Nin Ilaahay la jiro, difaacayo, amarkiisa ku socda oo faafinaya wanaag iyo qayr, uma baahna aadmi, uma baahna cid kale oo uu wehel ka dhigto.
Ruuxii Eebbe ka yaaba, ka baqa, talsaarta, waxba ugama baahna noolaha kale, maxaa yeelay Ilaahay baa baashiisa taagan. "Alle wate wehel uma baahna", "Alle aamin ma iisho".
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa marka aad aragto, la kulanto qof taqi ah, Ilaahay ku kalsoon oo masiibooyin badan ka soo dhex baxay ama ka badbaaday. Dad iyo dugaag ba ka ammaan helay.
Kolka la muujinayo awoodda iyo mihiimadda ay leedahay talasaarashada Eebbe iyo sida uuna walwal u gelaynin wehelna ugu baahnayn ruuxii Rabbigiisa weyn aammina.
Haddaanno gef galno annaka oo ay nahayso aqoon yari, jaahilnimo, ogaal la'aan, warmoognimo Eebbow hannagu ciqaabin. Haddaannu caddaalad fali weyno, dhinac u janjeedhsanno, oo aannu dad u kala hiilinno, Eebbow hannagu daynin ee xaqa iyo sinnaanta nagu soo hanuuni. "Allow nimaan waxba ogayn ha cadaabin".
Ilaahayow waxay aqoon xumo noo gayso hannu cadaabin, haddaannu eex ku jirnana naga qabo oo caddaalada iyo daacadnimada nugu hanuuni.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad gadaal ka ogaatid qalad iyo eex jaahilnimo kuu geysay oo ay qoomamo kaa hayso waxayaabihii aad soo fashay.
Ama aragto ruux si warmoogi ah qalad u galay ama ugu dhex jira.
Rabbiyow saamax oo u cudurdaar ruux war ma qabti ah. Dhibaato dhacday aan lug ku lahayn, waxna kala socon, ogayn sida ay wax u dheceen. Ilaahayaw u gargaar, ka samatabixi nimay dagnaan hawli ku heshay, si lama filaan ah arrini ku soo gashay.
Rabbiyaw la jir, dadku iskuma jiree inta aan waxba ogayn, dhibaatooyinka la la maagganyahay moog, la kulantay arrimo qasan, daacad ka ah denbiyo la isku haysto.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka adiga ama cid kale si war la'aan ah u dhex gasho mashaqo meel ka taagan ama lagu dago xaajo ama loo midaanqariyo oo hoosaasin lagu hawlgeliyo.
Arrin masuuliyaddeeda iyo xilkeeda marka horaba iska fogee oo sii caddee go'aankaaga iyo waxa aad ka qabto, ogaysii dadka in aadan hawshaas shuqul iyo shaqo toona ku lahayn oo ka sii xeer samayso ama ka sii gaashaamo. Haddaadse sidaa yeeli weydo oo aad hawl xilkeeda qaaddo, u diyaargaraw dhib iyo dheef wixii ka yimaadda. "Hadalkaaga hortii afeef ardaagaana ood".
Wax kasta intaanad falin, bilaabin oo aanad dhex gelin ama aanad qaadin ballan ka fiirso oo ka baaraandeg, oo haddaad xal u aragto ka sii cudurdaaro oo ka sii hordeg wixii natiijo ka iman doona. Haddii kale oo aad gasho hawl oo ay fulinteedu kula fududaato laakiin gedaal kugu cuslaato dulqaad iyo samir u lahaw.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad sii sheegayso in aanad (aadan) arrin raalli ka ahayn, kana sii digayso in aadan shuqul ku lahaan doonin wixii dhib ah ee ka yimaadda.
Kala dooro! Ama daryeel ama dayri! Sidaad doonto ka yeel. Sidaad doorbidi u dooro. Aday ku jirtaa!
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka arrin, hawl ama shay faraha looga qaadayo.
Hawl marka la qabanayo qof waxtar leh ahaw. Noqo qof sidii loo baahnaa dadka wax ula qabanaya. Noqo qof jira oo jooga oo la isku hallaynayo, haddii kale ka maqnaw madasha hawshu ka socoto. "Meel ama waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa", "madal ama waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa", "hillaac biyihiisuu caddaystaa".
Kolba meeshaad joogto noqo qof waxtar ku soo kordhiya. Ha noqonin maqane jooga oo dadka u miidaanqariya. Ha noqonin mid dadka hoosaasiya oo intay isku halleeyaan dabadeedna luggoya.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka ruux hawshii loo diray ka soo bixi waayo. Ruux sidii laga rabay aan wax u qaban ama aan u fulinin oo dhankiisa baylah ka timid.
Lama soo koobi karo wanaag. Lama qarin karo samaan iyo sharaf uu Eebbe ruux ku mannaystay.
Si kale haddaan u dhigno, Tiro iyo xisaab laguma heli karo, tix iyo tiraab laguma koobi karo galladda Eebbe ugu deeqay noolaha. Wax kasta haddii lagu qiyaaso, cirka iyo dhulka iyo wixii ku dhex jira haddii lagu dheerariyo naxariista, nimcada (nicmadda), wanaagga iyo galladda Eebbe ayaa ka weyn, ka ballaadhan oo ka dherar iyo laxaad weyn.
Ereyga "dhudhumi": fal) dheerari, ku qiyaas dhudhunkaaga gacanta, dherar u saar gacantaada, ka bilow xusulka (jiqilka) ilaa faraha dhammaadkooda, ka soo bilow dhammaadka faraha ilaa jiqilka.
Waxa sidaa sameeya dumarka Soomaalida, kolka ay hararrada qiyaasayaan si ay u ogaadaan inuu dhammaaday iyo in kale waxay saraan dhudhunka gacanta. Kolkaa haddii hararka jooggiisu noqdo saddex dhudhun way rogaan ama baarkay u tidcaan. Sadex dhudhun waa qiyaas ay ku ebyaan.
"dhudhunkun" waxa uu u dhigmaa saddex taaku, taakaduna waa suulka iyo afarta farood inta u dhaxaysa oo la kala bixiyey lagu taagsanayo cidhifka suulka iyo fardhexda.
Wanaagga iyo xumaanta, wanaagga ayaa ka badan. Nimcada, barwaaqada, galladda, samafalka iyo naxariista Eebbe ayaa ka ballaadhan. Bal hadda adiguba hoos u fiiri (eeg) waxa nicmad iyo gallad Eebbe ku siiyey ee aad xambaarsantahay. Ka bilow jidhkaaga, tin iyo cidhib! Ilaahay baa ammaan iyo mahad iska leh.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka laga hadlayo ruux wanaag iyo samofal maayee aan weligi xumaan lagu arag.
Kolka laga sheekaynayo galladda Eebbe ku mannaystay addoomihiisa ee aan kala joogsiga lahayn.
Ammaano: (1) Wax takliifkiisa iyo ilaalintiisa dusha lagaa saaray. Wax laguugu dhiibay inaad dhawrto, ilaaliso, xafiddo, daranyada iyo baylahda ka ilaaliso. Wax hayntiisa lagugu aamminay.
(2) Takliif, masuuliyad laguu dhiibay, xil lagu saaray, hawl laguu igmaday inaaad u fuliso sidii loo baahnaa ee loogu talagalay.
Haddaba ammaanadan ay maahmaahdu sheegayso waa takliifka caabuditaanka Alle, fulinta amarka Eebbe, wixii uu xarrimay oo laga fogaado iyo wixii uu amray in la sameeyo oo la fuliyo. In lagu maamulo koonka (adduunka) caddaalad iyo kala danbayn ku salayn dawga Eebbe u jeexay.
Ammaanadan waxa ka mid ah "rumaynta Eebbe, malaa'igtiisa, kutubtiisa, anbiyadiisa, dharaarta qiyaame iyo qaddarka Eebbe")..."salaadda oo la oogo, bixinta sakada, tegidda xajka, soonka bisha Ramadaan, waalid addeeca, qaraabo xidhiidhinta, caddaalad samayn, tirtiridda dulmiga iyo khiyaanada.........)
Masuuliyadda iyo xilka sidaa u culus, Ilaahay waxa uu u soo bandhigay samooyinka, dhulka iyo buuraha. Intuba way diideen inay qaadaan oo way ka baqeen. Waxay ka cabsoodeen haddii ay ka soo bixi waayan inay la kulmaan ciqaabta Eebbe.
Ammaanadii ay cirarka, dhulka iyo buuruhu diideen inay xambaaran, waxa xambaaray oo qaaday aadmiga (dadka). Haddaba ruuxii guta ee ka soo baxa xilkaas ee xafida ammaanadii loo dhiibay, janno ayuu Eebbe ku abaalmarinayaa, kii ka soo bixi waaya ee dayacana cadaab iyo ciqaab Alle ayuu la kulmi doonaa.
Aadmiga Ilaahay wuu karaameeyey, abuurkiisa wuu qurxiyey, garaad, aqoon iyo awood uu ammaanada ku fuliyana wuu siiyey.
Maamulka dhulka iyo inuu adeegsado bad iyo berri wixii ku jira ama ku nool awooddaasna Eebbe wuu siiyey aadmiga.
Eebbe wuxuu siiyey aadmiga ikhtiyaar wuxuuna u igmaday koonkan inuu ku hoggaamiyo caddaalad iyo dariiqa uu u jeexay. Isku soo duubduub oo aadmiga ammaanadaas loo dhiibay kolkba sida uu u maamulo ayaa lagu abaalmarin doonaa aadanaha.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka laga hadlayo dhiirranaanta, dulmiga, jaahilnimada iyo keni adayga aadmiga iyo sida uu dayacayo ammaanadii uu qaaday xilkeeda.
Wax aanad lahayn oo aad wax badan haystay, sidii waxaad leedahay oo kale ayuu noqdaa. Sida guri aad lacag la'aan in badan ku degganayd, maalinka ninkii lahaa kuu yimaaddo ee uu iiga bax ku yidhaahdo, runtii ka bixitaankiisu wuu kugu adkaanayaa. Ama waa sida geel nin kuu dhiibtay oo aad guyaal iyo guyaal badan iska maalaysay, cadkiisa iyo caanihiisa aanay cidi kula wadaagi jirin, maalinka ninkii lahaa doono inuu kaxaysto iyana way kugu adkaanaysaa.
Ujeeddadu waxay tahay wixii in badan gacantaada ku jiraa, waad isa siisaa oo waad la qabsataa, in lagaa qaadaana ma fududaan doonto.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad aragto qof ammaano ku raagtay laga qaadi kari la' yahay. Diiddan bixinteeda oo saluuggan soo celinteeda.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay caddaalad, waxtar (waxbixin), hormar iyo ilbaxnimo intaba ninka Faransiiska ah ayaa kaga horreeya Axmaarka.
Maahmaahdu waxay muujinaysaa naxariis darrada iyo dulmiga ay Soomaalidu ka aragtay Axmaarka.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolkaad aragto laba qof oo aan midkoodna naxariis lahayn laakiin sii kala daran.
Waxay muujinayaa macnaha maahmaahdu inuu libaaxu yahay dugaag hilib ku nool ah, dugaag si naxariis darra ah wax u dila, dugaag awood badan oo wuxuu qabto kolalka qaar geysta godahiisa.
Ujeeddadu waxay tahay wax kasta wixii lagu yaqaanno ayaa lagu arkaa. Sheekh gurigiisa lagama waayo rixli, kutub, masalle, tusbax iyo weyso sida libaaxaba aan looga waayin lafo gurigiisa yaalla. Guri habreed xafash lagama waayo, guri farasamayaqaanna qalab farsamo lagama waayo, guri farshaxanna sawirgacmeedyo lagama waayo.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad ku aragto guri ama ruux wixii lagu yaqaannay ee ay meheraddiisu ahayd.
Sida uu muujinayo macnaha maahmaahdu sal iyo baar noloshu waxay ku dhisantahay garasho iyo aqoon. Garaad aan waxbarasho iyo tacliin lahayn waxa uu la mid yahay guri mugdi ah oo aan nal ama intiif lahayn. Cilmi la'aan cid wax noqon kartaa ma jirto. Ruux aan tacliin lahayn noloshiisu tayo iyo Edeb toona ma leh. Qiimaha noloshu ku dhisantahay wuu ka arradanyahay. Waa ruux calqiisu yahay sabool. "Aqoon xumo abaar ka daran".
Si haddaba ummadi ay uga dhex baxdo jahli iyo mugdi maxaa la gudboon oo ay u baahantahay? Ugu horrayn waa inay afkeeda hooyo wax ku barataa, kuna soo afceshataa (turjumataa) wixii aqoon ah ee ku quran afafka kale ee qalaad. Ummad aan afkeeda hooyo wax ku baran weligeed ma gaadho hormar iyo ilbaxnimo. "Biyo sacabbadaada ayaa lagaga dhergaa", "af qalaad aqoon miyaa?".
Tusaale yar aan idin siiyo
Ardaygu marka af aan kiisii ahayn uu wax ku baranayo, mar waxa uu raadinayaa oo uu baranayaa macnaha ereyga, marna aqoonta uu sido ereygu. Aad u fiiri! mar waxa uu raadinayaa ereyga macnihiisa, marna waxa uu raadinayaa aqoonta ereygu uu sido iyo sidii uu fahmi lahaa Waxa gelaya waqti badan!
Kolka haddaba ardaygu afkiisa hooyo wax ku baranayo sidaa hore xaalku wuu ka duwan yahay. Ereygu ardayga kuma cusba oo isaga oo naaska hooyadi nuuga ayuu soo bartay sidaa darteed ma raadin doona macnihiisa laakiin wuxuu raadin doonaa oo keliya aqoonta uu sido ereygu.
Tusaale, Heesta Soomaaliyeed ee Saddex Cadaw.
Saddex Cadaw ayaa jiray
Dadka soo caddibi jiray
Oo cidhiidhi gelin jiray
Labo waa la cidhibtiray
Cilmi (li'i) wax laga baray
Cirka waa taa loo kacay
La carraabi gaajo
Caydh xoola laga dhaqay
Hayeeshee colka u daran
Weli caymo loo waa
Culimada cakuye! adduunkee
Caafimaadka baadhay
Cudurrada la dabargoyn
Caashaqa ha lagu daro.
Saddexda cadaw ee heestan lagu sheegay waxa ka mid ah (cilmi li'i (aqoon la'aan, jaahilnimo), saboolnimo (xoolo la'aan, caydhnimo, faqriga iyo caashaqa), waxaas oo dhibaata ahna waxa keena aqoon la'aanta. Ummad aan lahayn aqoon (cilmi) waxa ay u baaba'daa (u dhammaataa) gaajo, caydh, cudurro iyo caafimaad darro. Waxay ku hoobataa dagaallo, guluf joogta ah iyo khilaafaad ay la baaxaaddegto.
Cilmigu waxa uu dhisaa oo uu taagaa aqal aan tiir ama dhig iyo udub toona lahayn, jahliguna waxa uu dumiyaa aqalkii cisiga (karaamada) iyo sharafta. Carabta ayaa sidaa ku gabayda.
Sirta Nolosha (Abwaan Hadraawi)
Garasho iyo sugnaan hayso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye
Tuducyadan kore waxay kugu dhiirrigelinayaan inaad aqoon iyo degganaansho yeelato, wanaaggana aad suubbiso. Saddexdaa arrimmood haddii lagaa helo, adduunyada dhammaanteed gacanta ayaad ku haysaa, wax kaa maqan oo ku garab maray ma jiro. Noloshu waxay ku salaysantahay 1.garasho, 2. sugnaan iyo 3. falka san.
Ujeeddadu waxay tahay aqoonto waa iftiinka iyo aasaaska nolosha. Ruux aan tacliin lahayni waa ruux ku jira habeen gudcur ah oo madow.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad aragto qof aqoon la'aan darteed galay qaladaad.
Waxa la xasuustaa maahmaahdan kolka ruux aqoon lihi wax toosiyo, dhibaata taagnayd keeno xalkeeda, kala hago oo kala hagaajiga dadka, kii jaahilka ahaana wax toosnaa qalloociyo oo uu abuuro dhibaatooyin.
Abaar waxyeelladeedu maaha mid maalin walba taagan ama jooga. Dhibaatadeedu waxa ay taagantahay xilli ay dhacdo roob la'aan. Laakiin aqoon-xumo dibkeedu waa mid dharaar iyo habneen ba taagan.
Abaarta waxa lagaga bixi karaa qorshe lagu badbaadinayo dad iyo duunyo ilaa inta la doogsanayo, laakiin haddii la waayo aqoon keenta qorshe wanaagsan oo col iyo abaar lagaga baxo waxaan shaki ku jirin aqoon xumo inay ka daran tahay abaar. Maahmaah kale waxay tidhaahdaa "arrrin xumo abaar ka daran". "Aqoon la'aan waa iftiin la'aan".
Dhugasho Abwaan Dhoodaan Eebbe ha u naxariisto aamiin.
"Kob la taabto ama lays tusaad, tab u dawaysaaye,
Sidee loo tadaawuli karaa, taws caqliga haysa?"
Sirta Nolosha Abwaan Hadraawi
"Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri' weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolahaba
Kaga soocanyahay weeye
Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto"
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay garaad xumo geerina ka daran. Aqoon la'aantu waxay wax u baabi'isaa si ka daran sida ay abaartu wax u baabi'iso. Cadawga ugu weyn ee aadmigu leeyahay waa tacliin la'aanta. Waayo la'aanteed aadmigu waxba ma dhaamo xoolaha.
Tusaale
shinnidu tan iyo dharaartii Eebbe u waxyooday ee uu ku ilhaamiyey inay samayso malab, ilaa haatan aan joogno waxay u samaysaa unugyada malabka lix-gees. Wax is baddal ah ama casriyeyn ah kuma aysan darin. Ma taqaannaa sababta? Sababtu waxay tahay waxa ka maqan fikirkii, fikirkuna wuxuu gaar u yahay aadmiga. Haddaba, aadanuhu haddii uuna lahayn aqoon fikirkiisuna tayo iyo is baddal yeelan maayo.
In garaad, aqoon iyo fikir kala sooceen dad, xoolo iyo cayayaan waxa marag u ah tusaalaha shinnida, aboorka iyo shimbnirta. Shinnidu sidaan sheegnay waxba kama baddasho qaabka ay malabka u samayso, aboorkuna dundumada samaynteeda waxba kama baddalo, shimbirtuna buulkeeda samayntiisa waxba kama baddasho, caaraduna xuubkeeda waxba kama baddasho laakiin aadmigu wuu ka duwanyahay oo marka uu shay sameeyo haddana, shaygaa shayga ku xiga kii hore wuu ka duwaa ama wuu ka casriyeeyaa.
Taas waxa daliil u ah fogaal-araggii ugu horreeyey iyo kan maanta aad daawataa aad bay u kala duwanyihiin. Diyaaraddii ugu horreysay iyo tan maanta jirtaa way kala duwanyihiin. koombiitarradii hore iyo kuwan maanta, taleefannadii hore iyo kuwan maanta faraq weyn baa u dhexeeya.
Aadmigu naqshad marka uu sameeyo, naqshadda labaad wax buu ku daraa cusub, waxna ku tagaa wixii hore waxna wuu ku daayaa. Waxaas oo dhan waxa hooyo u ah aqoonta iyo fikirka suubban. Ilaahay aadmiga waxa uu siiyey maskax uu wax ku qabsado waxna ku maamulo. Maskaxdaas furaheedu waa aqoon, aqoon haddii la waayana weligeed quful baa ku xidhnaan.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad aragto arrimo ay aqoonxumo murgisay. Dhibaatooyin algu hoobtay oo laga badbaadi lahaa oo ay aqoon la'aani keentay.
Talo adiga ama ruux kale la qumman, la qurux badan, la fiican, la wanaagsan, la hagaagsan, la macaan ayaa ruux kale la qalloocan, la qadhaadh, la foolxun, la gurracan, la xun oo la qallafsan.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay labo qof iyo in ka badan inay kala fikir duwanaan karaan, kala aragti weecsanaan karaan. Waxay muujinaysaa oo kale inuu ruuxu waxna diidi karo waxna raaci karo oo markasta ku qanci karin talo ruux kale u keenay.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka la isku baraarujinayo inay jirto kala duwanaansho dhanka ra'yiga ama fikirka ah. Kolka loo sheegayo dad ay talo dhextaallo in uuna qofna u arkin inay taladiisu tahay ta ugu wanaagsan.
Caruus (caroos) iyo caruusad (caroosad), waa labada ruux ee is guursaday waana laba qof oo isku cusub. Haddaba, sida caadada ah Soomaalidu way u dabbaaldegaan. Ciyaaro iyo maaweelo ama madaddaalooyin badan ayey u sameeyaan oo way ku cawaysimaan aqalka cusub iyo ardaagiisa. Kolalka qaar dhallinyaradu habeenka intiisa badan aqalka carooska ah ayey ku soo jeedaan.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay maadaama labada labada ruux isku cusubyihiin si waqti badan isugu helaan, waxa habboon in waqti hore loo yimaaddo, muddo koobanna la la joogo, dabadeedna horay looga socdo. Caroos waqti hore u imo, waqti horana ka tag. Ha ka raagin hana ku raagin.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka lagu baraarujinayo dad caroos jooga inay ilaaliyaan xeerarka carooska oo ay ka mid tahay inaan laga raagin, laguna raagin la jooga labada qof ee carooska ah.
Ruux aan adduunyo haysan oo dhar iyo kabo la'aani hayso laguma caayi karo. Baahida haysa awgeed ruuxa laguma caayi karo, laakiin ruux uskag iyo huuro leh waa lagu caayi waana lagu canaanan waayo uskagga iyo huurada labadaba qofku awood buu u leeyahay inuu iska hagaajiyo taajir iyo sabool mid kuu dooni ruuxu ha ahaado.
Maahmaaho kalaa yidhaahda "dantu ceeb ma leh", "dani ninkeed ka adag"), "dani waa seeto".
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay ruux kasta oo wuxuu karayo ka hakrada naftiisa inuu yahay doqon, dadka dantu haysana aan lagu canaanan karin diifta dushooda ka muuqata nacasnimana lagu sheegi karin.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad aragto qof dulli iyo baahi aan Ilaahay badan is dul saarayo oo huuro iyo uskag daashadeen. Sidoo kale maahmaahdan waxaad u soo daliishataa ruux dani hayso inuuna dadka ka liidanin ceeb iyo canaantoona dushiisa sarrayn.
Eeg maahmaada "Arrad waa dan uskagse waa doqonnino"
Mudac, bir dhuuban oo afka loo fiiqay si uu wax u daloolin ama mudi karo, leh daab. Waxa lagu toshaa kabaha, gorofyada, masafaha iwm.
Ujeeddada maahmaahdani waxay tahay talooyin rag, xaajooyin rag wato awooddooda iyo waxtarkooda ayey wataan kolka ay meel u wada jeedaan, wixii ka hor yimaaddana way mudayaan.
Dhinac kale waxay noqon kartaa kala fikir duwanaansho ku aaddan arrin sidii xal loogu heli lahaa.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad rag ku leedahay, war bal talo isugayn bay wax ku tartaaye isu keen keena oo xal raadiya.
Dabo riyaad

Ilo: waxa laga soo qaaday sawirkan Google Images
Sida ka muuqata sawirka, halkay fallarta cas tilmaamayso waa dabo riyaad.
Adiguba aad u fiiri sawirka dabo riyaad way qaawantahay goor kasta, waa meel faydan oo aan waxba ku daahnayn. Ruux kasta oo arka ri' way u muuqataa dabadeedu.
Haddaan is barbardhigno dabada riyaha iyo ta idaha oo labadoodaba la isku yidhaahdo adhi (ari). Idaha dabadoodu way qarsoon tahay oo waxa ku daahan oo daboosha badhidooda (baridooda).
Ujeeddada maahmaahdani waxay tahay xaqiiqada iyo runta in la sheegyo, wixii jira ee ku saabsan arrinta lagu jiro in bannaanka la keeno.
Wixii cadho, ciil, caloolxum iyo cuqdad laysu qabo in bannaanka la soo dhigo, si la isu calool xaadho oo la isu saamaxo. Haddii la rabo xaajo, gar ama arrin in la helo xalkeeda oo la turxaanbixiyo.
Waxa habboon ruux kasta wixii uu tabanayo in toos loo weydiiyo, la dhegaysto oo loo gogol badiyo si looga gungaadho oo loo arko dhibaatadu halkay ka soo burqanayso.
Tusaale, weel buuxa wax kale ma ku shubi kartaa? Ma kuu qaadi karaa wax ka badan qaadkiisa? Jawaabtu waa maya.
Waa sida dhiil caano ka buuxaan oo aad caano kale ku shubtay. Shaki kuma jiro inuu buux-dhaafi caanuhuna ay daadan doonaan.
Sida saxda ah, waa inaad kolka hore faaruqisaa ama madhisaa dhiilka. Markaa ka dib wax wuu kuu qaadi karaa.
Sidaas waxa la mid ah maskaxda iyo maanka dadka. Waxa aan uga socdaa ruuxa kolka aad dhegaysto ee uu wixii ka dhex guuxayey kuu sheego ee uu maskaxdiisa faaruqiyo, ayaad wax u sheegi kartaa oo aad wax ka dhaadhicin kartaa.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka la rabo arrin in la hagaajiyo runtana bannaanka la keeno.
Marka laga digayo in la qariyo ama la daboolo xaqiiqada ku saaban xaajo iyo siday u dhacday. Marka dadka xasuusinayo in haddii wax la daboolo ama la duudsiyo gadaal xumaani ka iman doonto.
Ahaa (haa, yax, cay, xayd, ji, sig), erey dhawaaq lagu majiiro xoolaha, xoolaha sida geela, lo'da marka la rabo in laga leexiyo, laga celiyo meel ay rabeen inay maraan. Eereydhawaaq lagu dabbaalo xoolaha.
Waxa la yiri nin bay hal ka luntay, dabadeed raadkeedii ayuu soo qaaday. Wuxuu raadguro, uu raadgurba waxa uu soo dul joogsaday raqdeedii. Waxa uu yidhi baa la yiri "kolkay halkaa maraysay hashu yaa "yax, haa" yidhaahda". Waxa uu uga jeedaa haddii laga leexan lahaa halkan uu waraabuhu ku dilay ma uusan dileen. Waa arrin tagay iyo calaacal iyo gocosho.
Waxaa la yedhi, beri ayuu hal waraabe cunay, dabadeed odaygii reerka ugu weynaa ayaa loo sheegay in hashii heblaayo ahayd waraabi xalay dilay. Wuxuu yidhi baa la yiri "Haddii hadal nin weyn la maqali lahaa hal waraabe ma cuneen". Tanna waa arrin tagtay iyo calaacal, calaacalna waxba ma taro.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay arrin dhacday, hawl ka baxday farahaaga, wax ka qabashadeeda, xallinteeda, hagaajinteeda, toosinteeda gocosho iyo calaacal waxaba kama taraan. Hadal hawl dhacday waxba kama taro.Qoomamo, shallayto, canaan, ka xumaansho, ahay iyo maxaan sidaa iyo sidaas u yeeli waayey waxba ma taraan wixii dhacayna ma soo celiyaan oo sidiisii hore kama dhigaan.
"Wax tegay tiigsimaad ma leh"
"Calaacal ceeb kaama furto". Maahmaah
"Talo cayn wareegtana, layskuma canaantee". hees Soomaaliyeed
Abwaan Seenyo sheekadii Iilka iyo Xabaalaha
Midhaha geed sare ku yaal
Haddaan gacanta togan
Indhuhu kuuma soo guraan.
Taladu waa mar aad geftiyo
Mar aan cidi gaadhinoo
Ta wacan waad garab martaa
Taladaad gees martaa
Ogow gocoshay dhashaa
Hadba wixii kula gudboon
Inaad garataa habboon.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka la isku samirsiinayo ee la isku qancinayo inayna qoomamo iyo caan midkoodna waxba taraynin wixii tegeyna dib loo soo celin karin.
Is rogaanragga nolosha iyo is badbaddalka waayaha adduunka ayey ka warramaysaa maahmaahdani. Noloshu waxay u socotaa sida mawjadaha badda oo kale. Daqiiqad kasta waxay xambaarsantahay war cusub.
Hirarkani dad bay dejinayaan, dadna way dabbaalanayaan, dadna way baaxaadegayaan. Dabaylaha rogmanaya, hadhka (hooska) labada gellin kolba gees u rogmanaya ayey talooyin iyo go'aamo kala duduwan ka dhalanayaan. Dharaar waliba warar bay siddaa.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay talo waa mid aad horay u gaadhay iyo mid degdeg kuugu dhalatay oo ay keentaay xaalad degdeg ah. Adiga oo go'aansaday inaad hawl fuliso waqti go'an ayaa haddana is baddal aanad ku sii talagelin kugu dhici karaa oo aad wax ka baddashaa go'aankaagii hore ee aad qaadatay.
Is baddalkaa waxa keeni kara laba arriimood. Inay timaaddo xaalad degdeg ah oo aan kugu simi karin go'aankaagi hore, iyo inay kugu soo dhacdo fikrad ka wanaagsan tii hore ee aad ku salaysay go'aankii hore.
Maahmaaho kalaa yidhaahda
"laba tallaabo dhexdood bay talo kugu dhalataa"
laba tallaabo dhexdood bay talo kugu soo dhacdaa"
"labo tallaabo dhexdood bay talo kugu soo booddaa"
"arrin waa kugu soo booddo iyo kugu bariday"
"dhool bari baa dhaan nageeya"
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad ku wargelinayso go'aan (arrin) aad gaadhay ama aad gaadheen is baddal inuu ku yimid ama kugu yimid dadkii wada tashigu idin ka dhexeeyey oo aad leedahay taladii aan isku ogayn tu kale ayaa ka soo soke martay ee ila eega, adiga oo maahmaahdan hadalkaaga ku xoojinaya.
Marka aad ku wargelinayso dad aad talo wadaag tihiin arrinka aad wadataa in uuna ahayn mid cusub ee uu yahay mid aad ka soo baaraandegtay oo aad waqti hore dhammaysay arrinkiisa.
Eeg (fiiri) Maahmaahda "Arrin waa mid kugu soo booddiyo mid kugu bariday".
Arrintu waa saabka iyo hoggaanka lagu wado nolosha. Kaabadaha ama buundooyinka lagaga tallaabo dhibaatooyinka. Waa waddooyinka lagu gaadho hormarka iyo barwaaqada.
Arrin xumo = talo xumo, go'aan xumo, hoggaan xumo, male xumo, garaad xumo, caqli xumo, maskax xumo, aqoon xumo, aqoon darro.
Maahmaaho kalaa yidhaahda
"Aqoonxumo abaar ka daran".
"Talo adaa ku noole iyadu kuguma noola".
"Nimba tabacii talooy kaa maal".
Ujeeddadu waxay tahay arrin ama talo waxay udub dhexaad u tahay, qiimo iyo mihiimad u leedahay nolosha aadmiga.
Waxay u tahay lagamamaarmaan jiritaanka aadanaha.
Haddaba, haddii aadanuhu arrinsan waayo oo taladu ka xumaato ama arrin xumo ku dhacdo, wuxuu la kulmi doonaa dhibaatooyin badan oo ka daran biyo iyo baad la'aan(abaar).
Fiiri (eeg) maahmaahda "Aqoon-xumo abaar ka daran"
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka laga digayo arrin xumadu dhibaatooyinka ay keento.
Waxa lagu soo halqabsadaa kolka la dhex taaganyahay mashaqo ay keentay arrinxumo.
Atoor, (-ka), sagaarada keeda ninka ah, keeda lab. Xayawaan (xoolo) duur-joog ah oo dherer iyo baaxad yar.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay inayna da'da iyo dhererku isku xidhnayn. Gaabni iyo dheeri midna qiyaas uma noqon karo inta uu noole jirey. Ruux da' yar oo waxa jira dherer iyo itaal weyn leh, iyo ruux da' weyn oo dherer iyo itaal yar.
Maahmaaho kalaa yidhaahda
"Sagaaro labo tun oo lakala qaado ma leh".
"Atoor sagaaro intiisa waa ku duq".
"Gurmad sagaaro guux mooyee garab iskuma taro".
"Atoor intiisa waa ku duq"
Dhamaantood maahmaahahan kore waxay muujinayaan itaal yarida sagaarada.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka ay isu kaa qaban weydo ruux gaaban (dhererkiisa oo yar, aad u gaaban) iyo da'diisa (da'da uu jiro oo weyn). Marka aad la yaabto qofka filkiisa, gu'giisa iyo jirkiisa oo aan is lahayn.
Eeg (fiiri) maahmaahda "Atoorku intiisuu guun ku yahay".
Awr (rati) awr kale eryanaayo oo uu dabada kaga jiro iyo nin ruux dumar ahi (naag) soo dirayso oo ay cadaadis ku hayso midkoodna kaama weecdo (leexdo). Midkoodna ma haysto waqti uu kaaga leexdo.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay xoolo xoola kale iyo dad dad kale dabada ka wadaan halistooda ayaa badan, waxaana suurtagal ah, inay wax kasta oo ka soo hor baxa jiiraan oo ay jajabiyaan.
Rati iyo aadani cabsi (naf) waddo kaama leexdaan. Awr awr qooqan ereyanayo kuma arko, kaamana weecanayo cabsida haysa awgeed. Isaga oo ku jiidha ayaa uga fudud in dabada laga qaniino.
Nin ay naagi kugu soo dirayso oo ay soo tirtirsiyeyso, oo ay habeen iyo dharaar ninka iska celi ku hayso, kaama joogsado oo inuu ku dilo ayaad halis ugu jirtaa. Fikirkaaga iyo taladaadana ma qaato.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa marka arrin dumar dabada ka riixayaan loo maara la' yahay.
Kolka aad ka digayso dhibka iyo dhibaatada ay leedahay nin naagi dabada ka riixayso, daaha dabadiisa ay u fadhido.
Eeg maahmaahda "Awr awr wado iyo nin naagi waddo midna kaama leexdo"
Uur: (keli), uurar: (wadar), calool, qalbiyo, quluub, laabo. Kala guurtay: kala tagtay, kala socotay, is goysay, ku kala tegay khilaaf iyo dirir iyo cuqdad.
"Awr kala guurtay ma xumee uur kala guuray baa xun". "Awr kala guurtay uur kala guuray baa daran".
Maahmaahdu waxay muujinaysaa reer inuu kala guuro oo la isku bawd-qaalo inayna sahlanayn laakiin haddii la isu calool fayowyahay geeddigaasi yahay mid laga soo kaban karo.
Waxay muujinaysaa maahmaahdu caloolo ama qalibiyo isu bukaa inay tahay masiibo aan laga soo kaban karin.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay reer ama dad meel wada deggan oo ku wada nool jabad ama guri, haddii ay dani kala rarto, waayuhu kala geeyo, duruuftu nin ba meel ku tuurto iyakoo isu qalbiyo fayaw, dhibaato ma laha. Haddaan xumaan iyo umal lagu kala tegin, haddaan cuqdad iyo caloolxumo lagu kala socon, balaayo iyo baas toona ma jiro. Labadii nooliba way is arki doonaan.
Dadku way ku kala noolaan karaan meela kala fogfog, way kala tegi karaan waddanno kala duwan iyakoo is jecel oo isu calool fayow, taana dhaqanka Soomaalidu uma arko mishkilad, laakiin dhaqanka Soomaalidu wuxuu dhibaato iyo guuldarro u arkaa dad wada deggan oo haddana is wada neceb oo quluubtoodii kala guurtay, taasina waxay baabi'inaysaa jiritaanka iyo nolosha bulshada.
Dad meel ku wada nool, wada deggan magaalo ama guri oo colaad isu qaba, xiqdi iyo xumaan qalbiyada isugu haya oo niyaddoodu kala go'day.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka laga dayrinayo guuldarrada ay caloolxumadu leedahay.
Eeg (fiiri) Maahmaahda "Awr kala guurtay uurar kala guuray baa ka xun".
Eeg maahmaahda "Awr kala guurtay uurar kala guuray baa ka xun."
Maahmaaho kalaa yidhaahda "Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay". "Ma dhiisha dhiishaa aragtay baa biyo celin".
Laba rati (awr) oo la isku xidhiidhiyey, kolba ka hore sida uu u tallaabsado ayuu ka danbana u tallaabsadaa. Hadduu ka hore joogsado ka danbana wuu joogsan, hadduu aayar socdo ka danbana aayar buu socon. Waxaan ku masaale karnaa sida baabuur isjiid ah, gaadhiga matoorku saaranyahay ee hore sida uu u socdo ayuu ka la jiidayaana u socdaa. Gaadhiga dameerka lagu jiido isna waxa uu u socon kolba sida dameerku u socdo.
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay
Ku dayasho, isku dayasho, tusaale isu noqosho. Ka dambe, kii hore inuu raaco raadkiisa. Ka dambe eegto (fiirsado) kii hore waxa uu samaynayo iyo qaabka uu samaynayo dabadeedna uu ka daba sameeyo.
Tusaale
Carruur walaala ah, kuwa waaweyn sida ay u dhaqmaan iyo habka loo soo barbaariyey ee tarbiyadda loo baray ayey kuwa yaryar ee dambe u dhaqmayaan oo ay raacayaan. Haddii kuwa hore dhaqan wanaagsan lagu soo barbaariyey kuwa dambana tubtaas bay ka daba marayaan.
Haddii ay dad reer miyi ah, magaalo yimaaddaan oo ay jiraan kuwa kale oo ay is garanayaan oo magaalada uga soo horreeyey, kuwaa ka soo horreeyey sida ay u dhaqmaan oo ay u noolyihiin iyo halkii ay wax ka bilaabeen ayey iyaguna u dhaqmayaan oo ay nolosha magaalada ka bilaabayaan.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa kolka aad aragto dad raacay oo kaga daba dayday waddo ay mareen dad ka horreeyey. Waddadaasi ha wanaagsanaato ama ha xumaato.
Markaad aragto kuwii dambe oo wata dhaqankii iyo dabeecadihii kuwii hore.
Kolka aad ku baraarujinayso, ku dhiirrigelinayso inay dadku sameeyaan wax wanaagsan maadaama dadka ka dambeeyaa raaci doonaan raadkooda.
Fiiri (eeg) maahmaahda "Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay"
Ayax: (magacwadareed), cayayaan wadar u wada duula oo aad u fara badan, gaadha malaayiin, guurguura, cuna dhirta qoyan sida doogga, beeraha. Xaalufiya meesha uu ku dego. Waxa uu egyahay oo uu la bah yahay kabajaanka.
Eel: (-sha), dhibaato soo labakaclaysa, dhibaato gadaal ka soo baxda, doog, xumaan, arami.
Ayaxu kolka uu meel ku dego, oo uu dhirtii qoyanayd, dooggii iyo dalaggii leefo (cuno, dhammeeyo), ciidda waxa uu ku aasaa oo uu kaga tagaa ugxantiisa oo loo yaqaanno koronkorro (dhasha ayaxa) taas oo markuu meesha ka tago, dharaaro ka dib dillaacda oo noqota ayax cusub oo iyaguna halkii ka sii wadda xaalufintii iyo burburkii degaanka.
Tusaale ahaan, ujeeddada maahmaahdu waxay tahay
Gumayste, dad, qof ama noole kale oo meel ku reeba dhibaato, kaga taga raad xun. Sida ciidan burburiyey magaalo dabadeedna dhimasho iyo dhaawac badan kaga taga, meel kastana ku aasa miino iyo sun.
Dad meel ku reebay raad inkaaran oo fikirkoodii shaqaynayo iyakoo muuq ahaan ka maqan meesha sida gumaystayaashii dunida saddexaad qabsaday.
Sida ruux isku-dire ah, namiimiye diradiraale ah oo dad meel ku wada nool intuu isku diro, nac iyo caloolxumo kala dhex dhigo, dabadeedna iskaga dhex baxa oo iskaga taga dadkii oo is haysta.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa oo ay kugu soo dhacdaa marka aad aragto, dhex joogto ama lagaaga warramo mashaqo iyo dhibaatooyin ruuxii ama dadkii abuuray ee dabka shiday goobta ka tageen ama ka maqanyihiin.
Waxa lagu soo halqabsadaa maahmaahdan marka aad la daalaadhacayso ama lala daalaadhacayo waxyeello ciddii gaysatay ayna joogin goobta.
Ayay: (-da), mocooyo, abooto. Maahmaah kalaa tidhaahda "ooyi doonow aayar joog"
Ujeeddada maahmaahdu waxay tahay
Ruux aan tabar uu wax iskaga celiyo lahayn oo haddana edeb daran oo qofkuu arkaba gardarraysanaya. Qof aan xishood iyo ka dambayn lahayn. Ruux aan weligii dibso oo dabka xaggan ka soo maran lagu odhanin.
Goor-adeegsi
Maahmaahdan waxa lagu soo halqabsadaa markaad aragto qof aan tabar iyo itaal uu wax iska celiyo lahayn oo haddana joogso lagu kari la' yahay.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |