Arraweelo, arrin, Barraaq, barrash, burrush, baarri, carruur, darraad, dirri, durraamasho, farraati, farriin, garri, guuldarro, harre, hararro, hurre, jirri, jaarri, jirriqaa, jurri, maarriin, marrin, marriin, sarreen, sarriig, surrad, tarraq, tarraan, tuurrin, harraad, xarraan, xarriiq, dhiirrigelin.
Ereyadan taxan ee ku jira tusaalahan kore, dhammaantood waxay iskaga mid yihiin shibbanaha dhexda ku jira ee "r" oo laballaaban, cod-bixiisa oo adag (nudan) awgeed.
Xarafka xagga hore ama danbe kaga xigaa shibbanaha "r", hadduu yahay shibbane, laballaabku meesha wuu ka baxayaa, sida: "Khayre iyo dayrin"
| Ereyo macne ahaan kala duwan, dhigaal ahaanna wax yar ku kala duwan oo u baahan fiiro gaar ah | |
|---|---|
| Arrad | arad |
| Carrab | carab |
| Carro | caro |
| Farraq | faraq |
| Gaarri | gaari |
| Harre | hare |
| Tuurre | tuure |
| Garraad | garaad |
| Furre | fure |
Ereyadan ku jira jarahan kore, macne ahaan way kala duwan yihiin, dhigaal ahaanna hal xaraf ayey ku kala duwan yihiin. Haddaba, haddii laga tago halka xaraf ee keenaya kala duwanaanshaha dhigaalka ereyadan, waxa iman doonta in la kala sooci kari waayo ereyada macnahooda. Waxaad ku arki kartaa jaraha dhexdiisa ereyada qaarkood oo shibbanaha "r" laballaaban yahay, qaarkoodna uu san laballaabnayn, waana kala duwanaanshaha dhigaalka la xiriira ee aynu ka hadlayno.
Erey macnayntan aan tusaale ahaan u soo qaadanno
Haddaba, haddii aynu ereyadan ku jira tusaalahan kore, ka dayno shibbanaha "r" laballaabka, maxaa dhici doona? waxa dhici doona in la kala sooci kari waayo ereyada macnahooda. Bal hadda shibbanaha"r" aan ka dayno laballaabka oo aan sidan u qorno:
"arad, arad, carab, Carab, caro, caro, faraq, faraq, gaari, gaari, hare, hare, tuure, tuure, garaad, garaad, fure, fure"
Kolkaan ka tagnay laballaabka xarafka "r", waxa innoo soo baxday inaynaan kala saari karin macnaha ereyada.
Sidoo kale, haddaynu ereyada oo dhan, shibbanaha "r" laballaabno, waxa iman doonta sidaa hore si la mid ah.
Bal hadda, si ka duwan sidaa hore aynu laballaabno shibbanaha "r", waana sidan:
"arrad, arrad, carrab, Carrab, carro, carro, farraq, farraq, gaarri, gaarri, harre, harre, tuurre, tuurre, garraad, garraad, furre, furre".
Waxa innoo soo baxday sidii hore si la mid ah, oo ah inaynaan kala saari karin macnaha ereyada.
Waxay ila tahay inaan gaadhnay ujeeddadii aan ka lahayn tusaalayaasha kore, taas oo ah inay lagamamaarmaan tahay in la ilaaliyo xeerarka dhigaalka far Soomaaliga gaar ahaan, shibbanayaasha laballaabma.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa?!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |