Waa maxay magac?
Magacu waxa uu ka mid yahay qaybaha kala duduwan ee hadalka. Waa erey ama ereyo oo loo bixiyo, loogu yeedho, loo la jeedo, loo adeegsado in lagu aqoonsado noole ama manoole.
Ereyada hoos ka xarriiqan oo dhan waa magacyo, ujeeddadoodu tahay in lagu aqoonsado waxyaalo is leh, isku bah ama dir ah sida:aadmiga, xawayaanka, walxaha, goobaha, waqtiyada, dhacdooyinka...imw. Dhammaantood waxay leeyhiin sumado ama dabeecado waafaqaya xeerarka naxwaha.
Kolka aad maqasho QURBAC, wuxuu garaadkaagu kuu sheegayaa inuu yahay: noole, xoolo, geel, lab, caano-nuug. Sidoo kale ODAY, wuxuu garaadkaagu kuu sheegayaa inuu yahay: noole, aadmi, lab, da'.
Sida ka muuqata labadan magac (qurbac iyo oday), macnaha magacu waxa uu xambaarsanyahay tilmaamo iyo sumado sameeya ama sababa inay walaxi (wax) ka mid ahaato isir ama dir gaar ah oo waxyaabaha kale lagaga soo sooco.
Inta aynaan u gelin qaybaha uu u kala baxo magacu, bal aan dib ugu noqonno magacyada aan kor ku soo dhaafnay, kuwaas oo fure u ah qaybaha kale ee soo socda.
(Cali, Cibaado, Miyir, Saylac iyo Afrika) waa magacyo mid kastaa tilmaamayo wax ama ruux gaar ah si uu uga duwanaado oo looga sooco kuwa kale ee la midka ah, waxaana la yidhaahdaa kuwan magacgaar .
(Ceel, ciir, magaalo, taariikh, gees, kaalin, koor, qalin, weydiimo, qaan, oday, qurbac, hal, waddan, wadaad, wed, wehel, walbahaar, maanta, oohin, dab, cudur, meel, geed, gudun, balaayo, guul, budo, biyo, dad, duur, dirxi, dan iyo qudhun ) waa magacyo aan tilmaamaynin qof, meel ama wax gaar ah, laakiin waxa ay tilmaamayaan noole ama manoole leh dabeecado isku mid ah, waxaana kuwan la yidhaahdaa magacguud.
Maxaa lagu gartaa magac?
Dhawr arrimood baa magac lagu garan karaa oo qaybaha kale ee hadalka lagaga soo sooci karaa. Badanaa magacu waxa uu yeelan karaa qaabab kala duwan.
Kolka uu tilmaamayo hal ruux ama hal wax (walax), waxa uu noqdaa (keli), hal ruux ama hal walax in ka badan kolka uu tilmaamayana waxa uu noqdaa (wadar).
| Tusaale | ||
|---|---|---|
| Keli | Wadar | |
| Wiil | ⇢ | wiilal |
| Waxar | ⇢ | waxaro |
| War | ⇢ | warar |
| Dabayl | ⇢ | dabaylo |
| Kab | ⇢ | kabo |
Magacu waxa uu qaadan karaa qodob, kaas oo kaga darmada dhammaadka.
Tusaale
Magaca waxa xagga dambe (dhammaadka) laga raacin karaa tilmaame sida: kan, (tilmaame, lab, dhow), tan, (tilmaame, dheddig, dhow), kaas (kaa), (tilmaame, lab, fog), taas (taa), (tilmaame, dheddig, fog).
Haddaan soo koobno, waxa aan u aqoonsanaynaa magac haddii aan aragno erey yeelan kara keli iyo wadar, lagu dabakari karo qoqob ama tilmaame.
Immisa ayuu magacu u kala qaybsamaa?
Waxa uu u qaybsamaa laba qaybood:Waa maxay magacguud?
Sidaan kor ku soo aragnay, waa magac aan wax ama cidi gaar u lahayn, magac loo simanyahay, ka dhexeeya oo ay wadaagaan kooxo ama waxyaabo badan oo noqon kara noole iyo manoole, waxa uuna u aqaybsamaa caadyaal iyo cillanaad.
Maxaa lagu gartaa magacguud?
a) Waxa uu qaataa qodob, qeexa magaca oo ka dhiga ku la isla garanayo, halka magacgaar uusan qaadanin qodobkaas.
Tusaale
Faahfaahin
Tusaalaha koowaad, magaca geel, waxa lagu bilaabay xaraf yar (g…), sababta oo ah, waa magacguud oo ku jira dhexda weedha, tusaalaha labaad, xaraf weyn (G…), sababta oo ah, waa magacguud oo jooga bilowga weedha (sadarka), tusaalaha saddexaadna, xaraf yar (g…), sababta oo ah, waa magacguud oo jooga dhammaadka weedha (sadarka).
Sida ku cad tusaalayaashan kore, magaca Geelle oo saddexda jeer ba ku bilaabmay xaraf weyn (G..), waxa uu ka duwan yahay magaca geel oo marna xaraf weyn ku bilaabmay, laba marna xaraf yar. Sababta oo ah, Geelle waa magacgaar. Magacuna hadduu yahay magacgaar, goob kasta oo uu kaga jiro weedha (sadarka), waxa uu ku bilaabmaa xaraf weyn.
Goormaa la degay magaalada Saylac? Magaca magaalo dhexda weedha ayuu ku jiraa, sidaa darteed waxa lagu bilaabay xaraf yar (m…).
Magaalada Saylac goormaa la degay? Weedhan, sadarku waxa uu ku bilaabmay magaca magaalo, sidaa darteed baa magaalo, loogu bilaabay xaraf weyn (M..).
Saylac waxaa la degganaa taniyo qarnigii 1aad (1st century).
Sida tusaalan kore ku cad magaca Saylac ayaa ka duwan magaca magaalo. Saylac markasta waxa lagu bilaabay xaraf weyn (S..) sababta oo ah waa magacgaar. Xeerka dhigaalku sida uu dhigayo magacagaarka ah waxa lagu bilaabaa xaraf weyn meel kasta oo uu kaga jiro weedha, hadday tahay bilow, dhex ama dhammaad.
Faa'idooyinka DhirtaMagaca "dhir" oo ah magacguud, waxa lagu bilaabay xaraf weyn (Dh…), sababta oo ah, ereyga "dhir" waxa uu qayb ka yahay tusmada "Faa'idooyinka Dhirta".
Dhirta, waxaynu ka helnaa dheef badan. Si toos ah iyo si dadban ayeynu ugu noolnahay dhirta. Sababtoo ah, midhaha ka soo baxa iyo hilibka xoolaha ku nool dhirta ayeynu cunnaa. Waxay nadiifisaa hawada aan ku neefsanno oo waxay baabbi'isaa kaarboon laba ogsaydhka nooluhu sii daayo. Waxay inna siisaa ogsijiin. Waxaan ka helnaa hadh ama hoos. Waxay ka ilaalisaa dhulka nabaadguurka oo waxay soo jiidataa roobka, waxayna bilic u tahay degaanka…….
Innaga oo ku sii dhex jirna dhigaalka "magacguud" bal aan tusaale ahaan u soo qaadanno weedhahan soo socda.
Sida ku cad weedhahan kore "awr, buli, managade iyo madaxweyne" waa magacguud, haddaad fiiriso mid kasta, kolba meesha uu weedha kaga jiro, ayaa waxay keenaysaa inuu bilawgiisu noqdo xaraf weyn ama ku yar.
Waxaan kor ku soo marnay inuu magacguud qaadan karo qodob, laakiin, ereyadan: "madaxweyne, dhakhtar, marwo iyo mudane, ma qaadan karaan qodob kolka uu magacgaar ka dambeeyo.
laakiin, weedhahan soo socda, ereyada: "dhakhtar, madaxweyne iyo marwo" waxay qaadan karaan qodob, sababtoo ah waxa ka dambeeya magacguud.
Haddaan soo koobno nuxurka tusaale (1) iyo tusaale (2), waa siyaabahan soo socda: magacguud + magacgaar = (qodob) magacguud ma qaadan karo qodob iyadoo horay loo sii ogaa inuuna magacgaar weligi qaadanin qodob. Sida: dhakhtar Cali baa dawo ii qoray, lama odhan karo: dhakhtarka cali baa dawo ii qoray. Maxaa yeelay dhakhtarku waa Cali, oo qoraya dawada. Laakiin, dhaktarku hadduu yahay mid Cali gaar u leeyahay oo uga soocan kuwa kale, waxa la odhan karaa: dhakhtarka Cali. Ogaw! halkan, Cali dhakhtar maaha, ee Cali baa khatarka leh oo uu daweeyaa. Waxaan odhan karnaa: Dkakhtar Cumar baa ah dhakhtarka Cali. Lama odhan karo: dhakhtarka Cumar baa ah dkhtarka Cali. Waa hadday ujeeddaadu tahay: Cumar baa ah dhakhtarka daweeya Cali. Laakiin hadday ujeeddaadu tahay dhakhtar labadaba kawada dhexeeya oo ay wada leeyihiin Cumar iyo Cali, waxaad odhan kartaa: dhakhtarka Cumar baa ah dhakhtarka Cali. dhakhtar Axmed baa ah dhakhtarka Cumariyo Cali. Tusaalahan ugu dambeeya wuxuu ku tusayaa inuu Axmed yahay dhakhtarka daweeya Cumar iyo Cali.
waxaan weli ku gudo jirnaa "magacguud+magacgaar", waxaad ogaataan, ereyada, madaxweyne, marwo, mudane iyo dhakhtar, inay qaadan karaan qodob, haddii, magaca ka dambeeyaa yahay ku dal.
Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan, waa magacgaar, haddana, ereyga madaxweyne oo ah magacguud, oo ay ka dambeeyaan, wuxuu qaatay qodob. Sababtuna waxay tahay magaca dalka ayaa yeeshay magaca hore ee guud.
Magacguud+magacguud = (qodob) magacguud wuu qaadan karaa qodob. Tusaalaha (2), haddaan dib u fiirinno, waxaa innooga soo bixi doonta, inay labada magac qodobka wada qaataan iyo inay wada la'aadaan, sida: marwada madaxweynaha ayaa tidhi ama marwo madaxweyne ayaa tidhi, laakiin lama odhan karo: marwada madaxweyne ayaa tidhi ama marwo madaxweynaha ayaa tidhi.
Waa maxay magacwadareed?
Magac keli ah, aan wadar ahayn oo u taagan in ka badan hal qof, xawayaan, cayayaan ama shay (walax). Waxaa laga yaabaa in aanad aqoonin laakiin adiga oo aan dhooroofin aad adeegsato dharaar kasta isaga oo ku dhex jira qaybaha kala duwan ee hadalka.
TusaaleyaalMagacwadareedka qaarkii waxa uu u shaqeeyaa kol sida qofka saddexaad oo keli ah, kolna wadar ah, laakiin badankiisu waxa uu u shaqeeyaa sida qofka saddexaad oo keli ah.
Tasaaleyaal
Waa maxay magacgaar?
Magac loo bixiyo, loo saaro, la siiyo, loogu yeedho oo loogu aqoonsado noole ama manoole. Magac uu gaar u leeyahay qof, xoolo ama shay.
Saddexdan tusaale ee kore, tusaalaha 1aad magaca Geelle oo ku jira weedha madaxeeda, waxa lagu bilaabay xaraf weyn (G..), tusaalaha 2aad Geelle isagoo ku jira weedha dhexdeeda waxa lagu bilaabay xaraf weyn (G..), tusaalaha 3aad isagoo ugu dambeeya weedha waxa lagu bilaabay xaraf weyn (G..).
Tusaalayaasha 1)..., 2)... iyo 3)... waxay caddaynayaan, kolkuu magacu yahay magacgaar, meeshuu doono ha kaga jiro weedha in lagu bilaabayo xarafka ugu horreeya far weyn.
Dhammaadka tusmadeennan ku saabsanayd magaca, si kooban haddaan u dhigno wixii aan ku soo barannay waxaa ka mid ah waxyaabahan soo socda.
| Magac | ||||
|---|---|---|---|---|
| Magacguud | Magacgaar | |||
| Caadyaal | Cillanaad | Cali, Dharo, Maandeeq, Daallo, Shabeelle | ||
| dad, xoolo, dugaag, buur, geed | farxad, jacayl, caafimaad | |||
Faraqa u dheexaya magacguud iyo magacgaar
| Magacguud | Magacgaar |
|---|---|
| Wuxuu qaadan karaa qodob | Ma qaadan karo qodob |
| Wuxuu yeelan karaa keli iyo wadar | Ma yeelan karo wadar |
| Wuxuu yeeshaa cayn | Wuu yeesha jinsi |
| Markasta xaraf (far) weyn kuma bilaabmo | Markasta xaraf (far) weyn buu ku bilaabmaa |
| Waxa dhammaadka laga raacin karaa tilmaame | Lama raacin karo tilmaame |
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |