Dadku afka way ku wada hadli karaan, dhihidda ama dhawaaqa ereyga way wada sixi karaan. Laakiin waxa sidaa ka duwan akhriska iyo qoraalka ereyga. Tusaale ahaan, ruuxa Soomaaliga ah isagoon dugsi tegin ayuu ku hadlaa af Soomaali hufan oo dhismihiisu dhammaystiran yahay, maxaa yeealay waa afkiisii hooyo, waxa sidaa la mid ah ruux deggan ama ku soo koray bulshada Soomaalida dhexdeeda.
Haddaba, sidaa hore si ka duwan, ruuxu Soomaali ha ahaado ama yuuna ahaanin, waa inuu aado dugsi ama helo bare si uu u barto dhigaalka (qoraalka), higgaadda iyo akhriska far Soomaaliga. Afafka kale ee ka jira dunida inteeda kale, iyaguna waxay la mid yihiin far Soomaaliga.
Maxay dadka qaarkood u qaldaan dhigaalka ereyada badhkood?
Sida bannaan, ballan, dabbaal, dhammaad, hoggaan, xarriiq, waddan....... oo dadka qaarkood u qaraan (banaan, balan, dabaal, dhamaad, hogaan, xariiq iyo wadan).
Jawaabta su'aashani waxay ku xidhantahay, hadba qofku dadaalka uu geliyo higgaadda dhigaalka far Soomaaliga gaar ahaan shibbanayaasha mararka qaarkood labanlaabma (B, D, G, L, M, N, R), labanlaabkaas oo lagu soo heli karo cod-baxa shibbanayaashan toddobada ah.
Qaladaadkan xaggeed ka arku arki kartaa?
Waxa aad ku arki kartaa warbaahinta sida bogagga wararka lagu tebiyo, farriimaha la is ku waydaarsado baraha bulshadu ku xiriirto (xidhiidho). Waxa suurtagal ah haddaad siiso fiiro gaar ah farriimaha laguu soo diro inaad ka hesho laaxin badan oo ku jira gaar ahaan shibbanashayaasha labajabbaarma.
Maxay tahay sababta ka dambaysa inuu qaladku bato, saamayna ku yeesho dad badan dhigaalkooda iyo maxaa xal ah?
Farta Soomaaliga waxa qoraalkeeda la hirgeliyey 1972kii, muddo gaaban ka dibna waxa burburtay dawladdii Soomaaliya oo gacanta ku haysay taabbagelinta, hormarinta dhigaalka iyo ereybixinta far Soomaaliga. Nidaamkii waxbarasho ee dalka oo dhan, ka bilow dugsi hoose ilaa jaamacad waxay dawladdii saldhig uga dhigtay far Soomaaliga.
Haddaba, dawladnimadii kolkay burburtay waxa burburay oo raacay nidaamkii waxbarasho oo lafdhabar u ahaa far Soomaaliga, intaa wixii ka dambeeyeyna waxa meesha ka baxday kaalintii ay ku lahayd farta Soomaaligu nidaamkii waxbarasho oo loo baddalay afaf qalaad sida af Ingiriis iyo Carabi. Sidaa darteed, dhigaalka far Soomaaliga waxa ku dhacay dib u dhac aad u weyn oo wuxuu noqday jaantaa rogan oo inta badan nin waliba siduu doono ayuu u dhigaa. Qaar badan oo dadka Soomaaliyeed ka mid ah, waxa laga yaabaa inay u haystaan dhigaalka far Soomaaligu inuuna lahayn qaab-dhismeed iyo xeer la raaco.
In siyaabo jajaban oo aan isku dubbaridnayn loo qoro farta af Soomaaliga oo laaxinku ku bato dhigaalkeeda, waxa sabab u ah qaranjabka ku dhacay ummadda Soomaaliyeed oo af iyo aqoon ba ka lumiyey.
Haddaba, si loo xakameeyo qaladaadkan iyo dabargo'an sii xoogaysanaya, waxaa fiicnaan lahayd inay dadku dib ugu noqdaan buugaagtii hore ee far Soomaaliga ee la qoray burburkii ka hor sida qaamuuska Yaasiin Cilmi Keenadiid iyo kuwo kale oo faro ku tiris ah oo la qoray sannadihii dhowaa ee la soo dhaafay sida qaamuuska Soo Maal.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |