Shibbanaha "d", xarafka xagga hore ama danbe kaga xigaa hadduu yahay shibbane, laballaabku meesha wuu ka baxayaa, sida: (weydii, diidmo, shaydaan, xayndaab, sandulle, bahdil, murdi, aydin, mandad, hardan, hurdo, gandood, hurduf, ilduuf, shandad, mindi, maydal)
Haddaad fiiriso, ereyada weydii, shaydaan iyo sandulle, shibbanaha "d" lama laballaabin, in kastoo cod bixiisu adag yahay, sababtoo ah, waxa dhinaca kaga xiga (kaga dhejisan) shibbane, horayna waa taynu u soo marnay haddii shibbanayaasha laballaabma, xagga hore ama danbe shibbane kaga xigo, inuu laballaabku meesha ka baxayo.
Hadduu magacguud ku dhammaado shibbanaha "d", kolka lagu darayo qodob qeexaya ama tilmaamaya magacaas, shibbanaha "d" wuu laballaabmayaa "dd". Taas oo ka dhigan "d"-dii uu ku dhammaaday magacu iyo tii qodobka ahayd.
TusaaleEreyga afraad oo ah"weyd" sida innoo muuqata wuu ka duwanyahay saddexda erey ee kale. Sababtoo ah kolkii lagu darayey qodobka ama tilmaamaha "-da, -dan, -daa (s)" lama laballaabin xarafka uu ku dhammaaday oo ah "d", waxaana sabab u ah oo laballaabkii meesha ka saaray, xarafka ku dhinac xiga oo shibbane "y".
Fiiro gaar ah: (-ta ⇢ -da), qodobka ("-da") waa qodobkii ("-ta") oo isu rogay "-da". Af Soomaaliga waxaa jira laba qodob oo kala ah "-ta" iyo "-ka", qodobka "-ta" wuxuu raacaa dheddigga, qodobka "-ka" isna labkuu raacaa.
Qodobbada intooda kale, labadan qodob "ta" iyo "ka" ayey ka farcamaan. Haddaba, shibbanaha "t" ayaa isu beddala "d" iyo "sh" kolka uu raaco magac ku dhammaada shaqal "a, e, i, o, u" ama shibbanayaasha kala ah "d, c, x, h, y, firgin (')".
TusaaleJarahan hoose, waxa ku jira ereyo aan u soo qaadannay tusaale ahaan.
| Magac | + da | Magac | + da |
|---|---|---|---|
| Salaad | salaadda | Saliid | saliidda |
| Bad | badda | Ciid | ciidda |
| Nabad | nabadda | Seed | seedda |
| Dood | doodda | Heed | heedda |
| Had | hadda | Dawlad | dawladda |
| Eed | eedda | Baad | baadda |
Xigasho: Cabdiraxmaan Faarax (Barwaaqo) "Ereyo La Macneeyey 2017"
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa?!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |