Kolkaad fiiriso ereyadan ku jira tusaalahan kore, shibbanaha dhexda ku jira ee "g" wuu laballaabanyahay, cod-bixiisa oo adag (nudan) awgeed.
Xarafka xagga hore ama gadaal kaga xigaa shibbanaha "g", hadduu yahay shibbane, laballaabku meesha wuu ka baxayaa, sida:
"halgan, hangaagurre, hingel, mugdi, bangi, sangal, dhenged, hangool, dengiigsi, luunge, hunguri, lingax (ningax), nirgo".
Haddaad fiiriso, ereyada hangaagurre, hangool iyo lingax, shibbanaha "g" lama laballaabin, cod-bixiisuna wuu adag yahay (nudan yahay), sababtoo ah waxa dhinac kaga xiga (dhejisan) shibbane, sidaad ogtihiinna waa taynu u soo sheegnay, hadduu shibbane xagga hore ama gadaal ka raaco, shibbanayaasha laballaabma, laballaabku meesha wuu ka baxayaa.
Hadduu magacguud ku dhammaado shibbanaha "g", kolka lagu darayo qodob qeexaya ama tilmaamaya magacaas, shibbanaha"g"-du, wuu laballaabmayaa "gg".Taas oo ka dhigan "g"-dii magacu ku dhammaaday iyo tii ahayd qodobka.
TusaaleQodobbada intooda kale, labadan qodob "ka, ta" ayey ka farcamaan. Haddaba, shibbanaha "k" ayaa isu beddala "g" kolka uu raaco magac ku dhammaada "aa, i, u, g, w, y".
TusaaleJarahan hoose, waxa ku jira ereyo aan u soo qaadannay tusaale ahaan.
| Magac | + ga | Magac | + ga |
|---|---|---|---|
| Subag | subagga | Doog | doogga |
| Riig | riigga | Bog | bogga |
| Shaag | shaagga | Dhuug | dhuugga |
| Buug | buugga | Rag | ragga |
| Leg | legga | Mug | mugga |
| Harag | haragga | Marraag | marraagga |
Xigasho: Cabdiraxmaan Faarax (Barwaaqo) "Ereyo La Macneeyey 2017"
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa?!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |