Higgaad .COM
×
HOOY Naxwe Ereyga maanta Afguri 7 shibbane Sheeko dhigaal Xiriir ☰ Tusmo

Aniga iyo Dabaday Isu Laaban

Beri baa waxa la yidhi, nin odayaashii hore ee xishoodka badnaa ka mid ahaa ayaa isagoo dadweyne la fadhiya neefi ka fakatay (dhuuso). Siduu dhaqanku ahaa wuxuu u arkay inuu khashifmay oo ay sharaftiisii dhimatay mar haday shir dhexdii dhuuso kaga fakatay.

Dabadeedna wuxuu ku yidhi dadkii uu la fadhiyey “aniga iyo dabaday isu laaban” taas oo ujeedadeedu tahay, aniga dabadaydu meel cidla' ah ayaanu ku xisaabtami doonaa.

Dabadeed shirkii kolkuu dhamaaday ee la kala socday ayuu odaygii xidh cidla' ah la galay dabadiisii, dabadeedna aad buu u canaantay ilaa heer uu mindi ku jeexjeexay! Wixii intaa ka dambeeyey “aniga dabaday isu laaban” waxay noqotay maahmaah caan ah oo lagu soo halqabsado.

Layli

Isku day in aad garato macnaha ereyadan soo socda.
1. Xishood 2. Dadweyne 3. Khashif
4. Sharaf 5. Neef 6. Dhuuso
7. Dabo 8. Laaban 9. Cidla'
10. Xisaabtan 11. Shir 12. Oday
13. Xidh 14. Canaan 15. Jeexjeex
16. Maahmaah 17. Halqabso
Isku day in aad saxdo dhigaalka ereyadan soo socda.
1. Haday ___ 2. Ujeedadeedu ___
3. Ayaanu ___ 4. Doonaa ___
5. Dhamaaday ___
Isku day in aad garato dulucda (ujeeddada) sheekada.
(-----------------------------------------------)


Aniga Dabaday Isu Laaban

Beri baa waxa la yidhi, nin odayaashii hore ee xishoodka badnaa ka mid ahaa ayaa isagoo dadweyne la fadhiya neefi ka fakatay (dhuuso). Siduu dhaqanku ahaa wuxuu u arkay inuu khashifmay oo ay sharaftiisii dhimatay mar hadday shir dhexdii dhuuso kaga fakatay.

Dabadeedna wuxuu ku yidhi dadkii uu la fadhiyey “aniga iyo dabaday isu laaban” taas oo ujeeddadeedu tahay, aniga dabadaydu meel cidla' ah ayaannu ku xisaabtami doonnaa.

Dabadeed shirkii kolkuu dhammaaday ee la kala socday ayuu odaygii xidh cidla' ah la galay dabadiisii, dabadeedna aad buu u canaantay ilaa heer uu mindi ku jeexjeexay! Wixii intaa ka dambeeyey “aniga dabaday isu laaban” waxay noqotay maahmaah caan ah oo lagu soo halqabsado.

Ereymacnayn

  1. Xishood: (-ka), sarriig, qajil
  2. Dadweyne: (-ha), dad badan, bulsho, ummad
  3. Khashif: (fal), shaac ka qaad, sir qarsoon sheeg, la kulan waji-gabax, sharafrid, qashif, kashif
  4. Sharaf: (-ta), xushmad, haybad, dadnimo, raganimo
  5. Neef: (-ta), 1) hawo, gaar ahaan ta ka soo baxda sanka, 2) dhuuso
  6. dhuuso: (-da), neef ur qadhmuun leh oo ka soo baxda dabada dadka
  7. Dabo: (-da), 1) futo, 2) wax ama shay dhammaadkii, salki
  8. Laaban: isu hadhan, isu dambayn, isa sugi, is xisaabin
  9. Cidla': (-da), meel aan cidi joogin, ciirsila'
  10. Xisaabtan: (-ka), wax is weydiin
  11. Shir: (-ka), kulan, isu imaatin
  12. Oday: (-ga), waayeel lab, duq, waayaale
  13. Xidh: (-ka), kayn, juuq, xir
  14. Canaan: (-ta), Durraamasho
  15. Jeexjeex: (fal), googoo, dildilllaaci
  16. Maahmaah: (-da), tix hadal ah oo aad u gaban oo murti ka buuxdo, odhaah, halqabsi, hal-ku-dheg, halhays
  17. Halqabso: (fal), hal-ku-dheg ka dhigo, ku maahmaah
Dhigaal sixid
1. Haday hadday 2. Ujeedadeedu ujeeddadeedu
3. Ayaanu ayaannu 4. Doonaa doonnaa
5. Dhaamaday dhammaaday

Duluc
Ruux hadduu qaldamo waxa habboon in si gaar ah wax loogu sheego, sida nin kaasiba dad dhexdii dabadiisa uuna ugu qaawinin.

Sheekadani maaha midaan curiyey ama aan soo afceliyey ee waa sheeko Soomaaliyeed


Bilowga bogga ku laabo