Sheeko (-da, keli), (sheekooyin -ka, wadar) waa qiso noqon karta dhalanteed (khiyaal) ama run oo dadku isku maaweeliyaan ama ay dhacdo dhow ama fog warkeeda isugu gudbiyaan. Sheekada qaybaha kala duwan waxa ka mid ah sheeko dhallaan ama sheeko baraley ama sheeko xariir.
Sheekadu waxay xambaarsantahay dhaqanka, dabeecadaha, qaab-nololeedka, sooyaalka, waayo-aragnimada iyo ilbaxnimada ay bulshadu leedahay. Sheekadu waxay badan ka iftiimisaa dhaqanka iyo dabeecadaha xoolaha iyo dugaaggu leeyihiin. Sheekooyinku waxay meelaha ay awoodda saaraan waxa ka mid ah " daacadnimada, khiyaanada, geesinnimada, fulaynimada, fariidnimada, doqonnimada, deeqsinimada, bakhaylnimada, waxtarka, waxyeellada" tilmaamahan oo quseeya dad, duunyo, dugaag iyo cayayaanba.
Sheekooyinka dhalanteedka ah, waxa ka mid ah "shilin baa dhuustay oo diin baa sheegay", "dacawaa yaxaas ka ergisatay carrabkiisii", "diin iyo bakaylaa baratamay".
Sheekooynka runta ah waxa ka mid ah, sida "ninkii aasay hashiisii Garawo", "qisooyinkii Fircoon iyo Nebi Muuse csw", "qisadii nebi Yuusuf csw iyo walaalihii" iwm.
Sheekooyinkan faa'idooyinkooda waxa ka mid ah madaddaalada, xogta, xigmadda, waayo-aragnimada ay xambaarsanyihiin. Waxa ka mid ah oo kale dulucda ama ujeeddooyinka, dhigaal toosinta iyo macnaha ereyada qaarkood.
Ogaysiin: Sheekooyinkani waxay awoodda saarayaan dhigaalka ereyada, siiba shibbanayaasha labanlaabma, sidaa darteed ayaa loogu magac-daray "Sheeko dhigaal kaab". Sheeko dhigaal kaab kastaa waxay soo noqonaysaa laba jeer, iyadoo looga dan leeyahay in lagu soo jeediyo dareenka ruuxa ereyada dadka qaarkood qaldaan dhigaalkooda. Ereyadaas oo kolka hore u kas loo qaldayo kolka dambana la saxayo dhigaalkooda. Sheeko kastaa waxay leedahay ereymacnayn, dhigaal sixid iyo duluc.
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |