Waxaa la yidhi beri, oday baa safar u baxay, isagoo sita laba ubo oo subag ah. Labadii ubo xadhig buu sidooyinka u sudhay, dabadeed degtuu kala riday (xaga hore iyo dambe ayuu ka kala laalaadiyey), wuxuuna cagta saaray wadadii.
Hadaba, odaygii wuu fikiray oo naftiisuu la sheekaystay. Wuxuu ku hamiyey isagoo lacagtii subaga ku soo iibiyey qaalmo geel ah. Sanado ka dibna qaalmihii tarmeen oo geeliisu gaadhay laba boqol oo halaad.
Dabadeedna geelii isku batay oo ay hal xero qaadi kari weyday. Wuxuu u kala ooday labo xero, laba baaraqab ayuu ku kala daray. Wuxuu arkayaa labadii baarqab oo bawdka iskaga soo booday oo goroda is daray. Wuxuu is odhanayaa kala celi. Wuu boodayaa oo wuxuu odhanayaa "dooh". Labadii ubo ayaa isu soo wareegay oo isku dhacay. Halkaas bayna ku jajabeen subagiina ku daatay. Odaygii hankiisina halkaas buu ku burburay oo ay mahadho ka raacday.
Layli
| Isku day in aad garato macnaha ereyadan soo socda. | ||
|---|---|---|
| 1. Ubbo | 2. Subag | 3. Hammi |
| 4. Qaalmo | 5. Hal | 6. Xero |
| 7. Gorod | 8. Baarqab | 9. Dar |
| Isku day in aad saxdo dhigaalka ereyadan soo socda. | |
|---|---|
| 1. Ubo __ | 2. Sidooyinka ___ |
| 3. Xaga ___ | 4. Wadada ___ |
| 5. Hadaba ___ | 6. Hamiyey ___ |
| 7. Subaga ___ | 8. Sanado ___ |
| 9. Goroda ___ | 10. Subagiina ___ |
| Isku day in aad garato dulucda (ujeeddada) sheekada. |
|---|
| (-----------------------------------------------) |
Waxaa la yidhi beri, oday baa safar u baxay, isagoo sita laba ubbo oo subag ah. Labadii ubbo xadhig buu siddooyinka u sudhay, dabadeed degtuu kala riday (xagga hore iyo dambe ayuu ka kala laalaadiyey), wuxuuna cagta saaray waddadii.
Haddaba, odaygii wuu fikiray oo naftiisuu la sheekaystay. Wuxuu ku hamiyey isagoo lacagtii subagga ku soo iibiyey qaalmo geel ah. Sannado ka dibna qaalmihii tarmeen oo geeliisu gaadhay laba boqol oo halaad.
Dabadeedna geelii isku batay oo ay hal xero qaadi kari weyday. Wuxuu u kala ooday labo xero, laba baaraqab ayuu ku kala daray. Wuxuu arkayaa labadii baarqab oo bawdka iskaga soo booday oo gorodda is daray. Wuxuu is odhanayaa kala celi. Wuu boodayaa oo wuxuu odhanayaa "dooh". Labadii ubbo ayaa isu soo wareegay oo isku dhacay. Halkaas bayna ku jajabeen subaggiina ku daatay. Odaygii hankiisina halkaas buu ku burburay oo ay mahadho ka raacday.
Ereymacnayn
| Dhigaal sixid | |
|---|---|
| 1. Ubo ubbo | 2. Sidooyinka siddooyinka |
| 3. Xaga xagga | 4. Wadada waddada |
| 5. Hadaba haddaba | 6. Hamiyey hammiyey |
| 7. Subaga subagga | 8. Sanado sannado |
| 9. Goroda gorodda | 10. Subagiina subaggiina |
Duluc
Hammigaagu yaanu noqonin, mid haamaha kaa jajabiya.
Sheekadani maaha midaan curiyey ama aan soo afceliyey ee waa sheeko Soomaaliyeed
| Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
|---|---|---|
| Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
| Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
| Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma | |