Higgaad .COM
×
HOOY Naxwe Ereyga maanta Afguri 7 shibbane Sheeko dhigaal Xiriir ☰ Tusmo

☰ Shibbanayaasha Laballaabma

Far Soomaaliga waxa ku jira toddoba shibbane oo laballaabma
Toddabada shibbane ee kala ah " b, d, g, l, m, n, r ", waxa loo aqoonsaday inay yihiin shibbanayaasha keliya ee laballaabma (labajabbaarma) mararka qaarkood far Soomaaliga sida laga soo xiganayo go'aankii ay gaadhay guddidii dejisay dhigaalka far Soomaaliga 1972. Shibbanayaashan waxa lagu soo koobaa weedha "lo'du ma nala garaad baa?". Shibbanayaasha kale ee toddobadan ka soo hadhay (t, j, x, kh, s, sh, dh, c, f, q, k, w, h, y) lama laballaabi karo iyadoo la cuskanayo go'aankaas ay gaadhay guddiddii loo xilsaaray dhigaalka far Soomaaliga.

Tusaale hordhac ah
"baabbaco, diddimi, gaaggur, lallabo, ammin, dhammaad, bannaan, rarrab".

Si raadraac loogu yeelo tusmadan ku saabsan shibbanayaasha laballaabma, ereyadan tusaalaha loo soo qaatay dhammaantood waxa laga soo guuriyey saddexda qaamuus ee kala ah:
- QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA (Yaasiin Cismaan Keenadiid),
- QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA "SOO MAAL" (tifatir Aadan Xasan Aadan),
- iyo QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA (Cabdalla Cumar Mansuur)".

Saddexdan qaamuus waxay saldhig u yihiin jiritaanka af Soomaaliga, shakina kuma jiro inuu la'aantood khasaare weyni soo gaadhi lahaa dadka ku hadla af Soomaaliga.


Bilowga bogga ku laabo