Ujeeddada loo sameeyey boggan www.higgaad.com, waxay tahay kobcinta iyo kor u qaadidda tayada dhigaalka far Soomaaliga. Boggani ma aha mid siyaasad u samaysan, ma aha mid lagu soo daabaco warar ama waxyaabe kale oo la xidhiidha siyaasad. Wuxuu u furanyahay oo keliya af Soomaaliga iyo wixii la xidhiidha kobcintiisa iyo kor u qaadidda dhigaalka fartiisa. Waxaannu soo dhowaynaynaa ruux kasta oo wax ku soo kordhinaya boggan, waxaas oo aan ka baxsanayn waxa uu u furanyahay oo ah far Soomaaliga. Waxaannu aad ugu baahannahay aqoonta, fikradaha iyo talooyinka aad haysaan.
Higgaad.com waa bog ka caawinaya dadka ku hadla af Soomaaliga ama baranaya sidii ay u qori lahaayeen af Soomaali dhigaalkiisu fiican yahay oo aan turxaan iyo laaxin toona lahayn roga macnaha ereyga. Wuxuu boggani gacan ka geysanayaa sidii ay dadku u qori laahayeen farriimo ruuxkii akhriyaa uuna ku marganaynin.
Ereyga dhigaalkiisa oo la qaldo waxay keenaysaa ujeeddada iyo macnaha ereygu xambaarsanyahay oo luma, quruxda, awoodda iyo tayada qoraalka oo hoos u dhaca iyo inuu akhristuhu dhib kala kulmo sidii uu fahmi lahaa ujeeddada iyo waxa laga maagganyahay qoraalkaas.
Waxa igu kallifay samaynta boggan Higgaad.com waxa uu ahaa kolkaan arkay baraha bulshada qoraallada ama farriimaha la isugu gudbinayo oo aan loo aabayeelaynin dhigaalka far Soomaaliga ayaa waxaan go'aansaday inaan intii karaankayga ah is xilqaamo oo aan halkan ku soo gudbiyo wixii maskaxdayda ku jira iyo wixii aan soo xigtay, inkastoon dareemayo baahida jirtaa inay ka balladhan tahay waxa aan soo gudbinayo.
Waxaan aamminsanahay inaynu kala faa'idaysan karno, haddii ruuxba ruuxa kale u gudbiyo aqoon wixii uu ku dhaamo. Sida maalka oo kale, aqoonta qofba in buu Eebbe siiyey, qofna uma aha hanti uu gaar u leehay oo xero ugu oodan. Haddaba, kolka aqoonta qoqobaha laga dhex qaado, ee la isku dardaro oo meel la isugu geeyo ayey buuxisaa weel oo ay dadka wada deeqdaa.
Waxaan u arkaa inay lagamamaarmaan tahay in la wada wadaago aqoonta, oo ruux waliba intuu hayo keeno, oo weel la isugu wada geeyo si looga baxo aqoon la'aanta. Waxaan shaki ku jirin weelka ugu mug weyn ee guri kasta yaalla ee lagu wada wadaagi karaa aqoonta maanta inuu yahay shabakadda intirnetka (the internet). Waxaan ku tilmaami karaa intirnetku inuu yahay dar qaad weyn oo wixii lagu shubo nin waliba sacabbadiisa kaga dhergi karo.
Jarahan hoose waxa ku jira ereyo dhigaalkooda faraq yar u dhexeeyo, macnahooduna kala duwan yahay.
Haddba, haddii dhigaalkooda la sixi waayo waxa dhici doona in la kala sooci kari waayo macnahooda.
Tusaaleyaal | Isbarbardhig! | |
---|---|---|
Salaan diirran iyo farriin buu kuu sidaa, haddaad fuusho samadana, Saafiyey sallaan buu ku korayaa. | salaan | Sallaan |
Beri hore dayntii uu galay berri buu bixinayaa. | Beri | Berri |
Barre waxa uu ahaa bare dhiga dugsiga dhexe. | Bare | Barre |
Barrax barax (badhax) ku cab (caano biyo lagu daray bannaan ku cab) | Barax (badhax) | Barrax |
Geed jirrid weyn oo jar ku yaal, jir hadduu helo, jirid uu jiro, halis bay ku jirtaa. | Jirid | Jirrid |
Cilaan cillaan cirro ay mariso, calaf guur kuma gaadho | Cilaan | Cillaan |
Ciddi sigaaro cidi kama cabsooto. | Cidi | Ciddi |
Wado hadalka! Waddo toobiye ah. | Wado | Waddo |
Geel jeellan garraw buu cunaa. Nimaan gawsa qaban garaw muu cunaa? | Garaw | Garraw |
Xaalku waa hirig. Jid hirrig badan huguu kaa idleeyaa! | Hirig | Hirrig |
Kolkaad fiiriso ereyada ku jira shaxda, waxay isu raacraacayaan labo labo erey, ujeeddanuna waxay tahay inaan muujinno dhigaal ahaan farqiga u dheexeeya oo aad u yar, macne ahaanna aad u weyn. Faraqa u dhexeeyaa waa hal shibbane oo mar haljeer la qorayo (madi), marna labajeer la qorayo (la labajabbaarayo) sida "salaan" iyo "sallaan". Dhigaal ahaan labadan erey waxa ay ku kala duwanyihiin wax yar. Shibbanaha "L" oo mar keli (madi) ah, marna labanlaaban (labajabbaaran).
Macne ahaanna waxay ku kala duwanyihiin "salaan" waa bariido, sida "iska warrama, sideed tihiin, ma nabad qabtiin", "sallaanna" waa jaranjar ama jaranjaro meel lagu fuulo. Haddaba haddii labadan magac laga wada dhigo dhigaalkooda "salaan" iyo "salaan" ama "sallaan" iyo "sallaan" lama kala saari karo, lamana garan karo in loo jeedo bariido ama jaranjar. Sidaa darteed waxaa mihiim ah in fiiro gaar ah la siiyo shiibbanayaasha labajabbaarma.
Haddaba sideen u kala saari karaa? Dhawaaqooda ayaad ku kala saari kartaa, oo "salaan" carrabkaagu wuxuu u soo saarayaa si fudud oo aan adayg lahayn ereyguna haddii la kala qaybiyo sidan ayuu noqon karaa |sa|laan|.
Sallaan carrabkaagu waxa uu u soo saarayaa si adag oo awoodi ku lammaantahay oo murqaha carrabkaaga giijisan ku dhegayaan dhenxanagaaga. Haddii aan kala qaybinno ereyga, sidan ayuu noqon karayaa |sal|laan|. Inta kalana labadan erey ayey lamid yihiin oo ay la halmaalaan.
Toddobada Shibbane ee Laballaabma (labajabbaarma) | ||
---|---|---|
Shibbane B | Shibbane D | Shibbane G |
Shibbane L | Shibbane M | Shibbane N |
Shibbane R | "lo'du ma nala garaad baa!"weedh lagu soo koobo shibbanayaasha laballaabma |